U bood dhigaalka

Taabit: Ma’ahan Wax La Aqbali Karo In Ciidankii Loo igmaday Difaaca shacabka in Ay Dib Ugu Soo Laabtaan

Sheeko:Amniga

Taabit Cabdi Maxamed guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dil galinkii dambe ee shalay   degmada Xamarjabab askari ka tirsan boolika Soomaaliya uu ku dilay Oday miis yar ku lahaa laamiga dhinaciisa.

Taabid ayaa yiri”Ma’ahan wax la aqbali karo in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro ah nafta u dhaafiyaan dadka biri-mageydada ahaa ee la tacaalayay nolol maalmeedkooda. Cuqubada ka dhalan karta dulmigan waa mid halis ah, oo na wada saameyn doonta hadii aan si wadajir loo diidin, loogana dhiidhin” ayuu yiri.

Sidoo kale isaga oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay inuu murugada uu la qeybsanayo qoyska marxuumka, isaga oo baaq u diray laamaha amniga” Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoyska marxuum Cumar Xasan, waxaana Rabbi uga baryayaa naxariistiisa, qoyskana samir iyo iimaan, Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha Amniga in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dulmiyay, naftiisana dhaafiyay qof shacab ah oo aanan waxba galabsan” ayuu yiri Taabit Cabdi.

Hadalka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Tabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo galinkii dambe ee shalay uu askari ka risanaa Booliska uu qof shacab ah u dilay dood ka dhalatay bedelka lacag uu uga iibsanayey  Sigaar, taas oo sababtay inuu xabad ku dhufto, marxuumkii dhintay ayaa maanta lagu aasayaa halkii uu ku dhashay ee gobolka Shabeellaha hoose

Goobjog News