U bood dhigaalka

Taageerayaasha Abiy Oo Dhigay Banaanbax Ka Dhan Ah Warbaahinta Caalamiga Ah

Sheeko:Amniga

Taagerayaasha xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dhigay isku soo baxyo ay kaga soo horjeedaan Warbaahinta caalamiga ah ee ka howl gasha Itoobiya taas oo ay ku eedeyeen in ay baahiyaan warar been ah.

Banaanbaxa Tageerayaasha ayeey ku sheegeen in warbaahinada Caalamiga ah ee ka jira gudaha dalka ay baahiyaan warar iyo boranbogaaddada dowladda looga soo horjeedo.

Taageerayaasha isku soo baxa dhigayay ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin “Joojiya wararka Beenta ah”.

Boorarka banaanbaxayaasha ayaa u badnaa kuwa ay kaga soo horheedaan warbaahinada BBC iyo CNN kuwaas oo ay diideen wararka xasaradaha ah ee dalka laga tabiyo.

Itoobiya ayaa waxaa sii xoogeysanaya dagaalka sanad jirsaday ee u dhaxeeya Abiy iyo Tigray iyo xulafadooda.

Goobjoog News