U bood dhigaalka

Taariikh: Kumuu Ahaa Generaal Galaal

Sheeko:Amniga

Gen. Maxamed Nuur Galaal waxaa uu 1938-dii ku dhashay Tog-dhiyic oo ku dhow Dhuusamareeb ee bartamaha Soomaaliya.

Waxbarashadiisa waxaa uu ka bilaabay Ceel-buur bilowgii 50-meeyadii, kadib waxaa uu usoo wareegay Muqdisho isaga oo galay College ciidan halkaas uu waday ilaa 1957.

Xorriyadda ka hor waxaa uu ku jiray booliiskii ay Talyaanigu sameeyeen ilaa 1958-dii halka 1959-kii uu u soo wareegay dhanka ciidamada xoogga dalka , Waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa kunkii askari ee ugu horeysay ee lagu bilaabay militariga isaga oo madax ka noqday saldhigga Abuu Raas ee xeebta Muqdisho.

1962-1964-tii waxaa uu joogay Hargeisa isaga oo ka mid ahaa saraakiil halkaas la geeyey kadib afgami dhicisoobey oo halkaasi ka dhacay.

1965-tii, waxaa loo qaaday dalka Ruushka isaga oo waxbarasho ciidan ku jiray muddo 5 sano halkaas uu joogay ilaa dhammadkii 1969-kii.

Waxaa uu qeyb ka ahaa dagaalladii Itoobiya lala galay 1964 iyo 1977, dagaalka dambe ee xorreynta gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya heysato waxaa uu ahaa sarkaalkii mas’uulka ka ahaa nakhshadda lagu galay dagaalka.

Waxaa kale oo xilli dheer oo madax ka ahaa Sahanka iyo wardoonka ciidanka xoogga dalka oo uu can ku ahaa.

Dhammaadkii 1990-kii, waxaa uu ka mid ahaa kooxdii manifesto isaga oo hoggaaminayey kacdoon shacab oo ka dhacay Muqdisho kahor inta aaney Xamar soo gelin UCS iyo Gen. Caydiid. Generaalka oo in ka badan 60 sano ku jiray ciidanka, booliis iyo militariba ayaa waxaa uu xalay ku geeriyoodey weerar ka dhacay Hotel Afrik.