U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyaha maxkamadda sare u magacaabay garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Haddaba, Waa Kuma Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed?

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed waxaa uu dhashay June 25, 1982dii, waxaa uu wax ku bartay, kuna noolaa Hargeysa, Somaliland.

Dhanka waxbarashada, Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK isaga oo ku taqasusay shuruucda la xiriirta ganacsiga iyo badaha.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qareen iyo cilmi baare sharci.

Hey’ado badan oo caalami ah iyo kuwoo maxali ah ayuu la soo shaqeeyay, waxaa uu agaasime ka noqday wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Silaanyo, waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga Waddani, isaga oo markii dambe loo mgacaabay agaasimaha fuinta xarunta dhexe ee Xisbiga Waddani.

Intii uu Somaliland ka shaqeynayey waxaa uu aad u dhaliilsanaa siyaasadaha Kulimye, waxaa uu ka soo horjeeday heshiiska dekadda Berbera.

Markii xisbigooda laga adkaaday, waxaa uu usoo wareegay koonfurta Soomaaliya, dhowr hey’adood ayuu sidoo kale la taliye u noqday waxaa ka mid ah Maxkamadda Sare  iyo guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka ee federaalka ah.

Sidoo kale, Waxa uu muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa Ururka Isu-tagga Qareennada Somaliland, maanta ayaa loo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee jamhuuriyadda federaalka ah.

Goobjoog News