U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Gudoomiye ku xigeenka 1-baad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed (Akhri)

Sheeko:Dalka

Xareed Cali Xareed waxaa uu ku dhashay caasimadda Soomaaliya ee  Muqdishu, Waxbarashadii dusgi hoose ilaa sare waxaa uu ku qaatay isla magaalada Muqishu.

Xareed Cali Xareed waxaa uu bartay cilmiga dhaqaalaha, isagoo xiligii dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre la shaqeeyay Wasaaradda qorhseynta qaranka

Dagaaladii sokeeye kadib waxaa uu aaday dalka Talyaaniga, muddo 20 sano ah ayuu halkaas ku noolaa isagoo noqday ganacsade.

2010-kii ayuu Xareed Cali Xareed dalka dib ugu soo laabtay isagoo ka mid noqday maamulka Galmudug  ee gobolada dhexe ee Soomaaliya, isagoo maamulkaas ka noqday  Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska.

Xareed Cali Xareed waxaa uu ka mid ahaa kooxdii Roap Map-ka ee dalka Soomaaliya looga saaray KMG-ka.

Doorashadiisa Baarlamaanka Galmudug ka hor waxaa uu ahaa Wasiirka Macdanta iyo biyaha Galmudug.

June 27, 2015 ayuu noqday gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale Halkan ka akhri Taariikhda Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug