U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Katherine Dhanani iyo Sooyaalka Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka

Sheeko:Dalka

Katherine Simonds Dhanani oo 24-kii February 2015-ka uu Madaxweynaha Mareykanka Obama u magacaabay safiirka Maraykanka u fadhin doona dalkeena Soomaaliya ayaa lagala laabtay warqadihii Safiirnimo.

Tilaabadan ayaa timid kadib booqashadii John Kery uu Muqdishu safar ku yimid May 5, 2015-kii, Lama oga saameynta uu safarkaas ku lahaa gabadhan shaqada laga ceyriyay, lakin waxaa la hubaa in aanay ku wehlin booqashadii Kerry ee Muqdishu.

Waa Tuma Katherine Simonds Dhanani

2010-2013: Dhanani waxaa ay lataliye guud ka noqotay Qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada Hydrabat ee dalka Hindiya.

Intii u dhaxaysay sanadihii 2007-2010: Dhanani waxaay ay safaaradda Mareykanka ee Harare, Zimbabwe ka ahayd ku xigeenka Madaxa Howl-galada.

2005-2007: Katherine Simonds waxaa ay noqotay kuxigeenka Madaxa Howl-galada. Safaaradda ay Mareykanka ku leeyihiin Libreville, Gabon .

2002-2005: Dhanani waxaa ay madax ka aheyd waaxda Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Mareykanka ee Lusaka, Zambia

1999-2002: Katherine Simonds waxaay ay Madax ka aheyd qeybta dhaqaalaha ee Safaaradda Mareykanka ee Kinshasa, dalka Democratic Republic of the Congo.

1998-1999: Katherine ayaa waxaa ay madax ka aheyd xafiiska dhaqaalaha ee Safaaradda Mareykanka ee Mexico City, Mexico.

1996-1998: Waxaa ay ka shaqeyn jirtay waaxda arimaha dibadda qeybteeda arimaha Mexico.

Muddo sii horeysay waxaa ay kaaliye ka noqotay xafiiska Amuuraha Qaaradda Ameerika Ka Dhaxeeya ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Katherine Simonds waxaa ay sidoo kale kasoo shaqeysay Qunsuliyadda Mareykanka ee Brazzaville, Republic of the Congo iyo xafiiska dhaqaalaha ee Safaaradda Mareykanka ee Georgetown, Guyana.

Shaqooyinka ay soo qabatay waxaa ka mid ah caawiye ay ka noqtay magaalada Sacramento ee California iyadoo sidoo kale Bare ka noqotay Grinnell College ee gobolka Iowa (ayowa) ee dalka Maraykanka .

Katherine Simonds Dhanani waxaa ay Jaamacadda heerka koobaad B.A ku qaadatay Jaamacadda Kenyon College halka ay Jaamacadda heerka labaad ka diyaarisay Massachusetts Institute of Technology.

Heerarka Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka:
Burburkii Soomaaliya 1991-kii, kadib, waxaa dalka soo galay ciidamo nabad ilaalin oo Qaramada Midoobey ka socdey kuwaasi oo hogaaminayay Mareykanka , muddo kadib howl-galkaas waxaa uu fashilmay markii ay isku dhaceen Mareykanka iyo Hogaamiye General Caydiid.

October 3, 1993: Ciidamada sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force ayaa isku dayey in ay qabtaan Jeneraal Maxamed Farax Caydiid kaasi oo la tuhunsanaa in uu ku suganyahay Hotel Olympic ee xaafadda Howl-wadaag, balse dagaal halkaas ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo Caydiid, Mareykanka waxaa laga dilay 18 askari iyo in ka badan 70 halkaas ayaa lagu dhaawacay, Soomaalida waxaa la qiyaasaa in 500 ku dhinteen, halka 1,000 ka badana ku dhaawacmeen.

Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya 1994-kii bilo kadib markii 18 askari looga dilay dagaal dhex maray Mareykanka iyo Caydiid. Waxa kale oo uu Maraykanka dalka kala baxay safiirkii u fadhiyey Soomaaliya Roberth Oakley.

Xiligaas wixii ka dambeeyay Mareykanka waa uu ka niyad goostey Soomaaliya, Waxana uu kaliya usoo magacaabi jirey dublamaasiyiin darajadoodu hooseyso oo ah kaaliyeyaal inta badan fadhigoodu ahaa waddamada dariska ah.

Bishii Janaayo 17-keedii, 2013: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safar ku tagay dalka Mareykanka xiligaasi oo dowladda Maraykanka ay sheegtey in markii ugu horeysey ay aqoonsatay dowlad Soomaaliyeed oo rasmi ah oo Soomaaliya ka jirta.

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa uu Mareykanka qaaday tilaabooyin kale sida Qaadidda Cunaqabadeyna Hubka Soomaaliya 6 March 2013 iyo Obama oo saxiixay in Taageero militari la siiyo Soomaaliya 1 April 2013.

Bishii February 24, 2015, Obama ayaa safiir u magacaabay Katherine Simonds Dhanani Katherine Simonds Dhanani, Haweeneydan oo horay uga tirsaneyd shaqaalaha Wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka, Kooxda la taliyaasha, iyadoo agaasime ka noqotay Xafiiska Arimaha nabadgalyada ee wasaaradda arimaha dibadda qeybteeda Afrika, xilkaas oo ay heysay laga soo bilaabo 2013-ka.

Dowladda ayaa Soomaaliya ayaa May 5, 2015-kii u balanqaaday Mareykanka dhul KMG si safaarad uga dhigtaan, Mareykanka oo haatan safaaradooda ku taalo dalka Kenya.