U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Mudane Xasan Cumar Mahadalle(guddiga madaxa banaan ee dib eegista dastuurka Soomaaliya)

Sheeko:War

Mudane Xasan Cumar Mahadalle waa xubin ka tirsan guddiga madaxa banaan ee dib eegista dastuurka Soomaaliya oo May 6-deedii 2015-ka gudoomiyihii gudiga Caasho Geelle is cashishay.

Mudane Xasan Cumar Mahadalle , waa aqoon yahay dal iyo dibadba ka shaqeeyay, Waxaa uu ku hadlaa afafka kala duwan sida Soomaaliga, Talyaaniga , Carabiga iyo Ingiriiska.

Wuxuu waxbarashada ka gaaray heerka ugu sareeya isaga oo qaatay shahaadada PHD isagoo ku qaatay maadada siyaasadda, jaamacadda Tulane sanadkii 1997.

Sidoo kale waxa uu qaatay shahaadada Masters maadada xiriirka caalamiga ah, kana qaatay jaamacadda Baylor sanadkii 1995-tii.

Shahaadada koowaad ee jaamacadda ayuu ku qaatay tacliinta siyaasadda jaamacadda Rust sanaddii 1982-dii.

Waxaa uu  Professor Xasan Cumar Mahadalle wax ka dhigay Jaamaco badan oo Caalami ah sida: Southern University at New Orleans (SUNO), Dept. of Political Science, Tulane University

Prof. Mahadalle ayaa barre kasoo noqdey jaamacadda Southern University at Baton Rouge (SUBR), Louisiana  ee dalka Maraykanka.

Mudanaha ayaa sidoo kale soo qabtay hawlo badan oo cilmi-baaris, qorey daraasado, isaga oo sidoo kale shirar caalami ah ka jeediyey hadal-jeedin la xiriirta daraasadaha uu qorey.

Sooyaalka Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka:

July 3, 2013: Kulanka 2aad, 144 cod ayuu ku meelmaray ansixinta sharciga guddiga Madaxa banaaa ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka.

May 29, 2014: Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa lagu meel mariyay Xubnaha Guddi ay soo gudbisay Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Guddigan ayaa ayaa ahaa gudiga madax banaan ee dib-u-eegista dastuurka. Dood iyo falaqayn dheer ka dib waxaa goluhu isku raacay magacaabidda gudigaan oo ka kooban shan xubnood oo kala ah.
1. Marwo Caasho Geele Diiriye-Gudoomiye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kaluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xusein Xaaji

June 18, 2014: Kulanka 39aad ee kalfadhiga afaraad ayaa cod loo qaaday Ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka , 234 cod ayaa lagu meel mariyay golahan.

May 6, 2015: Marwo Caasho Geele Diiriye   ayaa iska casishay xilka gudoomiyaha guddiga Madaxa banaaa ee dib u eegista iyo hirgalinta iyadoo ku sababeysay