U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Peter de Clercq ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

 Peter de Clercq oo u dhashay dalka Holland, ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki- moon u magacaabay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya isagoo badalay Philippe Lazzarini, Peter de Clercq, Waxaa uu sidoo kale noqon doonaa isku duwaha howlaha Banii-aadnimada iyo Wakiilka UNDP ee Soomaaliya.

Peter de Clercq, waxaa uu dhashay 1959, waa Xaasle, leh 5 Caruur ah, waxaa uu aqoon fiican u leeyahay arimaha bulshada iyo Qaxootiga

Shaqadii tan ka horeysay waxaa ay aheyd isagoo Haiti ka noqday ku xigeenka Wakiilka Xogheyaha Qaramada Midoobey.

Peter de Clercq, Soomaaliya aqoon fiican ayuu u leeyahay, horay waxaa uu u soo noqay La taliyaha ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (United Nations Assistance Mission for Somalia, UNSOM),

Waxaa uu sidoo kale Soomaaliya kasoo noqday ku xigeenka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (United Nations Political Office for Somalia, UNPOS).

Waxaa uu leeyahay Khibrad fiican oo ku aadan arimaha Siyaasadda, Amniga, Howlaha degdega ah, Qawaaniinta iyo arimo kale oo la xiriirta howsha loo igmaday.

Peter de Clercq, Waxaa uu horay wakiil uga noqday Suudaan Wakiilka Isku duwaha howlaha Banii-aadamnimada ee Qaramada Midoobey waxaa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga  (UNHCR) muddo 27 sano ah isagoo muddo joogay xafiisyada Geneva iyo Budapest.

Peter de Clercq, waxaa howlo looga diray Wadamada Sudan, Zimbabwe, Angola iyo Pakistan oo dhamaantood kasoo baxay.

Ninkan waxaa kaloo ahaa ku xigeenka labaad ee Waaxda Nabad ilaalinta ee Democratic Republic of the Congo iyo  Xafiiska Nations Development Programme (UNDP) ee dalka Sudan.

Mr. de Clercq waxaa uu  master’s degree xagga hor-u-marinta ka wataa Jaamacadda Tilburg ee dalka Holland, Waxaa uu sidoo kale kasoo qalin jabiyay Institute for International Affairs “Clingendael” ee magaalada  Hague.

Bishii Maay ee sanadkan ayaa 3 bil waxaa waqtiga loo kordhiyay xafiiks caawimaada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Fiiro Gaar ah: Warbixintan Lama Xigan karo iyadoo aan Ogolaashiyo laga heysan Goobjoog News.