U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Safiirka uu Obama u soo Magacaabay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Sida lagu daabacay webka Aqalka Cad, madaxweyne Obama waxaa uu Safiir u Magacaabay Stephen Michael Schwartz, isagoo noqon doona Safiirka Mareykanka u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Burburkii Soomaaliya 1991-kii,  kadib, waxaa dalka soo galay ciidamo nabad ilaalin oo Qaramada Midoobey ka socdey kuwaasi oo hogaaminayay  Mareykanka , muddo kadib howl-galkaas waxaa uu fashilmay markii ay isku dhaceen Mareykanka iyo Hogaamiye General Caydiid.

October 3, 1993: Ciidamada sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force ayaa isku dayey in ay qabtaan Jeneraal Maxamed Farax Caydiid kaasi oo la tuhunsanaa in uu ku suganyahay  Hotel Olympic ee xaafadda Howl-wadaag, balse dagaal halkaas ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo Caydiid, Mareykanka waxaa laga dilay 18 askari iyo in ka badan 70 halkaas ayaa lagu dhaawacay, Soomaalida waxaa la qiyaasaa in 500 ku dhinteen, halka  1,000 ka badana ku dhaawacmeen.

Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya  1994-kii bilo kadib markii 18 askari looga dilay dagaal dhex maray Mareykanka iyo Caydiid. Waxa kale oo uu Maraykanka dalka kala baxay safiirkii u fadhiyey Soomaaliya Roberth Oakley.

Xiligaas wixii ka dambeeyay Mareykanka waa uu ka niyad goostey  Soomaaliya, Waxana uu kaliya usoo magacaabi jirey dublamaasiyiin darajadoodu hooseyso oo ah kaaliyeyaal inta badan fadhigoodu ahaa waddamada dariska ah.

January 17-keedii,  2013: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safar ku tagay dalka Mareykanka xiligaasi oo dowladda Maraykanka ay sheegtey in markii ugu horeysey ay aqoonsatay dowlad Soomaaliyeed oo rasmi ah oo Soomaaliya ka jirta.

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa uu Mareykanka qaaday tilaabooyin kale sida Qaadidda Cunaqabadeyna Hubka  Soomaaliya 6 March 2013 iyo Obama oo saxiixay in Taageero militari la siiyo Soomaaliya 1 April 2013.

February 24, 2015: waxaa uu Obama Magacaabay Katherine Simonds Dhanani, lakin waxaa ay diiday shaqada inta aan loo gudbin Senet-ka.

May 5, 2015: Waxaa Muqdisho Yimid J. Kerry oo ah Xogheyaha Arrimaha dibadda Mareyakanka, isagoo Soomaaliya u sameeyay balan-qaadyo badan oo la xiriira dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Hadaba waa Kuma: Stephen Michael Schwartz

Stephen Michael Schwartz waxaa uu Jaamacadda koobaad ka qaatay Miami University halka uu sidoo kale sameeyay Labo Master M.A uu ka qaatay University of London iyo  M.S. uu ka diyaariyay National Defense University’s National War College.

Stephen Michael Schwartz waxaa yy haatan waaxda arrimaha dibadda u qaabilsan yahay arrimaga Australia, New Zealand Jasiiradaha Pacific-ga, isagoo xilkaas hayey ilaa August 2015, waxaa uu Agaasimye ku xigeen ka ahaa xafiiska arrimaga Australia, New Zealand Jasiiradaha Pacific-ga  sanadihii 2008-2010-kii.

Mr. Schwartz waxaa uu horay uga shaqeeyay uu agaasime ka ahaa xafiiska qaabilsan galbeedka Afrika 2013-2015, waxaa kaloo uu ku xigeen ka ahaa howl-galka safaaraddii Mareykanka ee Lusaka, Zambia intii u dhaxeysay 2010-2013,

Schwartz waxaa uu ku xigeen ka noqday  Mission-ka Mareykan ee safaaradda Port Louis, Mauritius intii u dhaxeysay  2004-2007, Xafiiska Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee  Pretoria, South Africa sanadihii 2001-2004, Xafiiska Siyaasad iyo dhaqaale ee saafaradda Mareykanka ku lahaa Havana, Cuba Mudadii 999-2001.

Mr. Schwartz waxaa uu ka shaqeeyay caawiye ahaan xafiiska Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka ee Washington D.C. gaar ahaa dhanka siyaasadda sanadihii 1998-1999, waxaa kaloo uu ka shaqeeyay xafiiska qaabilsan Arrimaha bariga Afrika  1996-1998.

Stephen Michael Schwartz waxaa uu kasoo shaqeeyay Wadamada Kenya, Burundi, Ethiopia, Cameroon iyo meelo kale.

Safiirkan waxaa uu Obama hor-geyn doonaa Senet-ka, kadib waxaa uu ka shaqo bilaabi doonaa xafiiska Nairobi, waxaa xusid mudan in May 5, 2015 ay dowladda Soomaaliya Mareykanka siisay dhul KMG oo la sheegay in Marekanka uu ka dhisan doono Safaarad.

Goobjoog News