U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedkii Maj. Gen. Maxamed Abshir Muuse

Sheeko:Dalka

Marxuum Maj. Gen. Maxamed  Abshir Muuse oo arbacadii ku geeriyooday dalka Mareykanka waxaa uu taariikh dheer ku lahaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Marxuum Abshir Haammaan, waxaa uu dhashay 1926,  isaga oo wax ku soo bartay dalka Talyaaniga, markii uu dalka ku soo labtay waxaa uu gobolka bari ka noqday taliye waaxeed xagga Booliiska ah, waxaana lagu xusuustaa qeybtii uu ku lahaa dhismaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dhismaha Ciidamada Booliiska: 

Dagaalkii Labaad ee Aduunka 1941, waxaa dalkeena la wareegay Ingiriiska, oo waatii laga adkaaday gumeystihii Talyaaniga ee Fajistaha ahaa, dalka oo dhan waxaa qabsaday gumeystaha Ingiriiska, 10kii sano uu Ingiriiska dalka heystay waxaa loo yaqaanay Booliiska Soomaaliyeed Chermarmie.

1950-kii, waxaa dalka dib ugu soo noqday Talyaaniga, Talyaaniga waxaa ay sameeyeen booliis the Corpo di Polizia della Somalia (Police Corps of Somalia) taas oo ay ka soo baxeen Saraakiil badan.

1958: Ra’isul wasaarihii xukuumadii Daakhiliyada Cabdulahi Ciise Maxamud ayaa markii ugu horeysay waxaa uu Booliiska Soomaaliyeed (Forza di Polizia della Somalia  ama the Police Force of Somalia) u sameeyay hoggaan cusub, waxaa Madax uu uga dhigay Shakhsi Soomaali ah kaas oo ahaa Maj. Gen. Mohamed Abshir Muse, waxaa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo darajada General loo dalacsiiyo.

Mr. Maxamed Abshir Muuse waxaa uu ahaa shakhsiga dhisay, qalabeeyay iyo isla markaana tayeeyay Ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Sanadii 1960kii markii xuriyadda la qaatay waxaa dalka laga hirgaliyay Booliis rasmi ah, waxaa la isku daray Booliiskii Waqooyi iyo Midkii Koofureed, waxaa tiradiisa lagu sheegaa in uu ka koobnaa ilaa 3700 askari.

Rag badan oo Booliiska ka tirsanaa oo hoos tagi jiray Maj. Gen. Mohamed Abshir Muse waxaa loo wareejiyay oo lagu aasaasay ciidamada xoogga dalka,  Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka dhamaantood waxaa ay ahaayeen Booliis, Waxaa ka mid ahaa Gashaanleyaal sida Da’ud Cabdulle Xersi, Liiqliiqato, Maxamed Ibrahim iyo rag kale iyo kuwoo Captain  ahaa sida Maxamed Siyaad, Cali Samatar, Gabeyre iyo Cabdulahi Yusuf.

1961-dii waxaa markii ugu horeysey la abuurey unugta haweenka ee booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo u xilsaarnaa baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo iyo wax alaale wixii dumarka iyo dambiyada la xiriira.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxyaabaha ay u xilsaarnaayeen waxaa ka mid ah ama qeybaha ay ka koobnaayeen kuwa Roondada, nabadgalyadda waddooyinka, baarista dambiyada, xogdoonka, iyo waliba la dagaalanka falaagonimada.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada waxaa ay sheegeen in aanay isku fiicneen Mohamed Abshir Muse iyo Maxamed Siyaad Barre, taas oo aad u soo baxday kadib inqilaabkii 1969-kii, waxaa uu xabsiga ku jiray muddo ka badan 10 sano.

Saraakiishan waxaa ay qabaan in Maxamed Siyaad Barre uu u baqay shacbiyadiisa, 1969-kii waxaa uu marka hore geliyay xabsi guri labo sano kadib ayuu fasaxay, Laakin waxaa uu dib ugu celiyay markii uu arkay in ciidamada iyo Shacabka weli jecel yihiin, markan dambe 9 sano ayuu xabsi adag ku jiray.

1990-1991-dii, Xilligii dagaallada Sokeeye,  waxaa uu ka tirsanaa qolada loo yaqaaney “Suluxa”, waxaa uu aad ugu dhawaa Madaxweynihii KMG ahaa Cali Mahdi Maxamed,  kadibna waxaa ay hoggaanka SSDF isku qabteen Cabdullahi Yusuf Axmed

1993–1994: waxaa ay sanado badan is hayeen Maxamed Abshir iyo Cabdulahi Yusuf, oo beelahooda ay deegaan bariga Soomaaliya, waxaa uu hoggaamiye garab ka tirsan SSDF ahaa 1991-1998-dii.

Labada garab waxa ay iska soo horjeedeen in muddo ah, waxaa ay ka wada qeybgaleen shirkii dib u heshiisiinta Djibouti June–July 1991- shirkii  May–August 2000, in kasta oo Puntland ay degtay markii la dhisay maamulkaasi 24 July 1998.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa uu ku noolaa oo isaga iyo caruurtiisa deganaayeen dalka Mareykanka, halkaasi oo xalay ku geeriyooday.

Goobjoog News