U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedkii Xildhibaan Saciid Xuseen Nuur Dirir

Sheeko:War

Saciid Xuseen Nuur Dirir, Waxaa uu ku dhashay Goobweyn oo ka tirsan degmada Burtinle ee gobolka Nugaal 1962, Barashada Quraanka Kariimka isla magaaladaas ayuu Dirir 1970-kii ka bilaabay, Waxbarashadii dugsi hoose dhexe waxaa uu dhameeyay sanad dugsiyeedkii 1978/79, magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Sanadihii 1981-1983, waxaa uu wax ka bartay kana baxay Dugsiga farsamada gacanta, Muqdishu Polytechnic , qetbta Burco Itb.

Sanadkii 1985-tii, waxaa uu noqday ganacsade, isagoo bilaabay ganacsi iyo shaqo isaga u gaar ah in uu maamulo.

2005-2007-dii waxaa uu ka mid noqday golahga deegaanka Galkacyo, waaxda adeega bulshadada, Sanadkii 2008- xulista iyo xalinta khilaafaadka baarlamaanka xiligaas ayuu ka mid noqday Saciid Xuseen Nuur Dirir.

2012-kii waxaa uu Maareeye ka noqday shirkadda biyaha Baacaadweyn

Sanadkii 2013 waxaa uu sidoo kale Maareeye ka noqday shirkadda isgaarsiinta Orbit , taas oo markii dambe uu ka tagay.

December 31, 2013 xubnaha golaha Wakiilada Puntland isagoo xubin firfircoon ka ahaa Gudiga shuruucda golaha wakiilada.