U bood dhigaalka

Taariikhda Afgambiyadii Ka Dhacay Dalka Turkiga 50-kii Sano Ee Lasoo Dhaafay

Sheeko:Dalka

Turkiga ayaa waxaa soo maray taariikhdan casriga ah afgambiyo milatari oo ay hormuud ka yihiin ciidanka milatariga dalkaas, kuwaas oo sababay dib u dhac dhaqaale iyo mid bulsheed intaba, iyadoo kii ugu dambeeyay uu habeenkii xalay ka fashilmay saraakiishii hoggaamineysay ee ciidanka milatariga dalkaas.

Dalka Turkiga ayaa waxaa soo maray dhowr afgambi 50kii  sanno ee la soo dhaafay, kii ugu horreeyay waxa uu dhacay 27 bishii May,1960, markaas oo uu dhacay afgambi milatari oo lagu riday xukuumaddii dimuqraadiga ahayd ee la doortay iyo Madaxweynihii dalka xukumayay.

38 sarkaal oo uu hoggaaminayay janaral ” Jamal Gorsel” ayaa xukunka qabsaday, waxayna ku khasbeen xilligaas 235 Janaral iyo 5000 oo sarkaal oo uu ka mid ahaa taliyihii ciidanka iney shaqada ka fariistaan, sidaas oo kale waxay shaqadii ka joojiyeen xisbigii dimuqraadiga ahaa ee dalka xukumayay, waxayna xireer ra’iisul wasaare “Adnan Menders” iyo madaxweynahii dalka Turkiga xilligaas ee ” Celal Bayar”, iyagoo u diray xabsi ku yaallay jasiiradda “Aasaa Ada”.

Afgamigaa ka dib waxaa dalka Turkiga ka dhacay 3 afgambi oo kale oo ay sameeyeen ciidamada dalkaas, kaas oo dhibaato u geystay noloshii siyaasadeed iyo dhaqaalihii waddanka, gaarsiiyayna khasaare aan laga soo kabsan Karin, horena aan loo arag, khilaafaadkii gudaha Turkiga ka jirana waxay sababeen cadaalad darro iyo dulmi.

Inqilaabka milatari ee 1960  waxaa xukun dil ah lagu riday ra’iisul wasaare ‘Manderes” iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda ‘Fatin Zorlu Rushdie’, iyo wasiirkii maaliyadda ‘Hassan Blattqan’, waxaana xukunka lagu fuliyay bartamihii September 1960.

11 sano kadib ayaa waxaa dhacay inqilaab labaad 12 Marso 1971, waxaana loo yaqaanaa afgambigii Degreetada, iyadoo ciidanku ay soo saareen warqad ay ku casilayaan xukuumaddii xilligaas.

Waxaa kale oo dhacay afgambi la magac baxay “Kanaan Efrain”, 12 September 1980, kaas oo ay ka dhalatay xaalad adag oo siyaasadeed  horena aan u dhicin, waana mid ka mid ah afgambiyada ugu caansan taariikhda Turkiga, marka laga eego dhibaatada ka dhalatay iyo dhiigga ku daatay oo aad uga darnaa kuwii ka horreeyay, kadib dastuurkii aftida dadweyne lagu meel mariyay 1982 ayaa “Efen” noqday si rasmi ah madaxweynihii todobaad ee dalka Turkiga, isagoo xukunka hayay illaa November 1989-kii.

Efern ayaa xabsi daa’im lagu xukumay 2014 iyadoo lala xukumay hoggaankii ciidamada cirka Tukiga janaraal”Tahsin SahinKaya”, kaalintoodii ay ku lahaayeen darteed afgambigii 1980kii, iyagoo lagu soo eedeeyay iney afgambiyeen nidaam dastuuri ah.

Sanadkii 1997kii waxaa dhacay afgambi aan dhiig ku daadan oo lagu sameeyay xukuumaddii   “Necmettin Erbakan”, kadib markii xisbiga Refah uu qabsaday xukunka Turkiga sanadkii 1995, waxa uu ahaa Erbakan shakhsi hadal cad oo islaami ah, taas oo ka careysiisay axsaabtii cilmaaniga ahaa oo ku dhiiriyay ciidanku iney xukunka kala wareegaan dowladda islaamiyiinta ee la doortay.

Ciidanka ayaa digreeto ay soo saareen 28 Febraayo 1997 ka  dib markii ay kulmeen guddiga amniga qaranka oo markaa ahaa saraakiisha sarsare ee ciidanka iyadoo taasi ay soo dedejisay in la casilo ra’iisul wasaare Erbakan. Waxaa la sheegaa in afgambigaa ay ka dambeeyeen koox wax ku baratay dalalka reer galbeedka oo koox sir ah oo ka dhisnaa gudaha ciidanka Turkiga.

Afgambigan ayaa waxaa ka dambeeyay Janaralada kala ah Ismail Hakki Karzai, Cevik Bir, Teoman Koman iyo Cetin Dogan, Necdet Timor iyo Bishooda Oozkasnak.

Afgambigaa 5 sano ka dib ayaa waxaa la aasaasay xisbiga cadaaladda iyo horumarka oo looga soo horjeeday afgambigii Ra’iisul wasaare Erbakan, iyadoo xisbiga cusub ee cadaaladda iyo horumarka uu gaaray guulo waaweyn doorashooyinkii Turkiga ee 2002.

Ugu dambeyn, Habeenimadii Xalay ayaa waxaa dalka Turkiga ka dhacay Afgambi dhicisoobay oo ay isku dayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka milatariga Turkiga oo ay hoggaaminayeen Janaraalkii ciidamada Cirka iyo kii Afantariga ee dalkaas.

W/D:- Khadar Xuseen Maxamed

Tifaftirey: Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News