U bood dhigaalka

Taariikhda guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya gaashaanle sare Liibaan Cali Yarow ayaa mudooyinkii la soo  dhaafay ahaa guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidammada qalabka sida.

Guddoomiye Liibaan Cali Yarow ayaa ka tirsan saraakiisha ciidammada dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uuna soo maray heerar kala duwan.

Waxa uu wax ka bartay Jaamacadda Universal Of Africa, Kulliyadda Sharciga iy Qaanuunka, dalka Suudaan.

Sidoo kale waxa uu soo qaatay tababarro kala duwan sida isaga oo ka soo baxay machad Al-Mushaa 2009-2010-kii ee dalka Suudaan, halkaas oo uu ku soo qaatay tababar garsoore.

– Sanadkii 2003-2009, waxa uu soo noqday macallin iskuul.

– Garsoore maxkamadda ciidammada qalabka sida sanadkii 2010-2011-kii.

. Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidammada qalabka sida ayuu soo qabtay hadana waa guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidammada qalabka sida.

Waxa uu shahaadada Master Degreega ka diyaariyey Jaamacadda (Naayif Al-Carabiya  Lilculuum Al-Amniya, Sacuudiga Riyaadh, 2003.