Taariikhda Iyo Sooyaalka Qoraalka Farta Soomaaliga Oo Dhameystiran

Maanta waxaa 45 sano laga jogaa markii ugu horreysay ee uu soo baxo wargeys ku qoran farta Soomaaliga, waa sidoo kale maalintaas uu manhajka dalka isku badalay farta Soomaaliga.

Goobjoog News, waxaa shacabka dib u xusuusineysaa Sooyaalka Taariikhda iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray qoraalka Farta Soomaaliya iyo heerka uu maanta taagan yahay.

Sida ku qoran dastuurka  qabyada ah, Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga(May iyo Maxaa tiri).

45 sano ka hor Soomaaliya ma aysan lahayd far qoran, Xiligaas dalka ma laheyn far la qoro, Waxaa lagu xiriiri jiraya dhanka qoraalka Afaf qalaad iyo walibo suugaanta.

Umad waliba waxay leedahay hido iyo dhaqan soo jireen ah, laakin waxa lagu kala hor maro waa xifdinta hidahaas, iyada oo qoran.

Sida dastuurkan cusub ku qoran, dowladda  waa in ururisaa, ilaalisaa waxyaabaha taariikhiga ah ee dalka, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo.

Dowladda waa in ay horumarisaa dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay.

Maanta, waxbarashada waa mid ku baahsan guud ahaan dalka , dugsiyo iyo Jaamacado ayaa meel walba daadsan, Laakin nasiib daro, waxaa wax lagu bartaa luuqado shisheeye sida Ingiriis-ka, Carabiga iyo Afaf kale oo aan Soomaaliga ku jirin. Iyada oo AF Soomaaliga uu isaga oo hal xiisad ah ku jiro jadwalka waxbarashada iskuulaadka dalka

Xafiisyada dowladda, qoraalada, bandhigyada, xayeysiisnta, jagooyinka iyo dhamaan hay’adaha dowliga ah waxaa lagula  xiriiraa Afafka qalaad halka Afkeenu kusoo ururay ku hadalka oo kaliya.

Hadaba waa sidee Sooyaalka Qoraalka Farta Soomaaliga:

1920-kii ayey ahayd markii la soo bilaabay hindisaha qorista rasmiga ah ee afka Soomaaliga, ilaa xilligaasna waxaa lagu taamayey in si rasmi ah loo qoro, Cusmaan Yusuf Keendiid oo ka mid ahaa dadkii xukumayey beelaha Soomaalida qaarkood, fadhigiisuna ahaa magaalada Hobyo ayaa waxa uu soo saaray far lagu magacaabi jirey Cusmaaniya sanadii  1922-kii, fartaasi meelo kooban ayay ka shaqaysay, mana ahayn mid dalka ku wada baahday.

1950-1960-kii, waxaa socdey dood ah sidee loo qori lahaa af-Soomaaliga, waxaa jiray loona badan, rag badan ayaa dadaal sameeyay, waxaa lagu muran sanaa Ma Carabi mise  laatiin?

Ragga dadaalka sameeyay waxaa ka mid ahaa Ibaahim Xaashi Maxamud iyo Xuseen Sheekh Axmed Kadare, dhamaan raggaasi waxaa ay soo saareen qoraalo farta ah intii u dhaxeysay sanadihii 1950-1961-dii.

July 1,  1961-dii, markii dalka xuriyadda qaatay, Waxaa lasoo bandhigay dhowr qoraal waxaa ka mid ahaa farta Shire Jamaac Axmed oo Laatinahayd  iyo faro kale, tanina waxa ay ka dambeysey kadib markii dowladdii xiligaasi jirtey ee madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan ay saartey guddi kasoo baaran dega qoraalka farta Soomaaliga.

Gudiga ayaa waxaa xubno ka ahaa dadka kala ah

  1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, Guddoomiye,
  2. Yaasiin Cusmaan Yuusuf – xubin
  3. Maxamuud Saalex (Ladane)- Xubin
  4. Ibraahim Xaashi Maxamuud – xubin
  5. Khaliif Suudi- Xubin
  6. Mustaf Sheekh Xasan- xubin
  7. Shire Jaamac Axmed- Xubin
  8. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare)- Xubin
  9. Yuusuf Maygaag Samatar- Xoghayn

Guddigaasi hawshooda waxa ay ka socon weysey isqabqabsi dhexdooda ah maadaamaa rag iyaga ka mid ah ay doonayeen in iyaga fartii ay soo jindiseen la qaato sida Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal oo isaga soo saaray far ku qoran alifbeetaha Carabiga sanaddii 1951-dii

Waxaa kaloo gudiga xubin ka ahaa Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo far uu leeyahay soo saaray 1952-dii, waxay gudiga ku taliyeen in farta Laatiinka la qaato, taasi oo uu soo hindisey Shire Jaamac Axmed sanaddii 1961-dii .

Si kartaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa  keensatay khubaro ka socdey UNESCO, si arintan wax uga qabtaan, taasina ma dhicin in laga miro dhaliyo oo weli waa sii socday is qabqabsi.

Markii ay soo ifbaxday in Farta Laatin lagu qorayo Soomaliga Waxaa mudaharaadyo ka dhaceen Soomaaliya oo lagaga soo horjeedey in lagu qoro Laatiinka, waxaana dadka laga dhaadhiciyey in ay ka soo hor jeestaan in lagu qoro laatiinka, taas oo masaajidda laga iclaamiyey in shacabku ka soo hor jeestaan waayo, ayey yiraahdeen, “Laatiin waa Laa-diin”oo micnaheedu yahay “Farta Laatiinta waa Diin La’aan” iyada oo loo tiirinayay in farta Laatiinku tahay tan wadamada islaamka aan ahayd ay wax ku qortaan.

October 21, 1969: Markii uu dalka la wareegay  Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa uu dib usoo nooleeyay fikradii qoraalka farta Soomaaliga.

21 January 1971:  Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga.

Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 oo ah xeeldheerayaal Afafka ah  iyo labo lataliye, Xubnaha Guddiga ayaa kala ahaa

  1. Sharif Salah Mohamed Ali, Gudoomiye
  2. Yaasin Cismaan Keenadiid
  3. Mustaf Sheekh Xasan
  4. Axmed Cali Abokar
  5. Yuusuf Xirsi Axmed
  6. Msuse Xaaji Ismaaciil Galaal
  7. Cabdidaahir Affey,
  8. Aw Jaamac Cumar Ciise
  9. Dahabo Faarax Xasan
  10. Cabdulaahi Xaaji Abuubakar
  11. Cabdullaahi Ardeeye
  12. Xasan Sheekh Muumin
  13. Maxamed Nuur Caalin
  14. Maxamed Xasan Aaden (Gaheyr)
  15. Xirsi Magan Ciise
  16. Cumar Aw Nuux
  17. Cabdullaahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya)
  18. Iikar Bannaa Xadaad
  19. Aaqib Cabdullaahi
  20. Xuseen Sheekh Axmed Kadare
  21. Axmed Cartan Xaange
  22. Maxamed Xaaji Xuseen Sheeko Xariir
  23. Cabdiraxmaan Nuur Xirsi
  24. Shire Jaamac

Guddigan waxaa uu lahaa guddi hoosaadyo sida mid qaabilsan qorista  Qaamuuska, kan Taariikhda ,  Juqiraafiga, Sayniska, diyaarinta kutubta dugsiyada iyo naxwaha.

Guddiga Afka Soomaaliga ayaa farta Roman-ka ama Laatiinka in lagu qoro Afka Soomaaliga, sababtun waxay ahayd maadaamaa makiinadihii xafiisyada yiiley ee teebka ay ku qornaayeen fartaasi laatiinka,

Muddo  22 Bilood gudahood ah ayaa waxaa lagu diyaariyey  Buugaagta Dugsiga dhexe, xarfaha higgaadda Af-Soomaaligu oo ka kooban 5 Shaqal  iyo 21 Shibbane.

Si ka duwan sidii 1961-dii, Ma dhicin wax mudaaharaadyo ah ama cadaadis ku yimid guddigan si farihii tartamayey midkood loo sooco, sababtuna waxay ahayd xukunkii adkaa ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Markii la sameeyey dhamaan waxyaabihii loogu diyaargaroobayay qorista Afka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah loo shaaciyey qoraalka farta sanadii 1972-kii.

Hawlaha la qabtay waxaa ka mid ah dajinta naxwaha Afka sida  Magac, fal, Fal-kaab, Magac u yaal, Sifo, laakiin sidaasi oo ay tahay wali naxwaha iyo ebyidda afka waa mid qabyo ah, una baahan hawl badan.

Waxaa iyana la qorey qaamuus, hase yeeshee markii uu ku dhamaan waayay xiligii loogu talogalay ayaa wasiirkii hidaha iyo tacliinta sare  waxaa uu sii wadistiisa hawsha dhamaystirka qaamuuska u  xilsaaray Cabdiqaadir Farax Bootaan oo ahaa nin ka tirsan  Akaadeemiyada Fanka iyo Dhaqanka , hase yeeshee waxaa si weyn u caan baxay oo fidey Qaamuuskii uu qorey Yaasiin Cusmaan oo lasoo saaray sanadkii 1976-dii

Qaraar dowladda Soomaaliya kasoo baxay taariikhdu markii ay ahayd Jaanyi 21 1972-di in afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya uu yahay Afka Soomaaliga ee “Maxaa Tiri”

Markii fartii la dhamaystirey, lana diyaariyey dhamaan agabkii loo baahnaa haddii ay buugaag ahaan lahayd iyo haddii naxwe ahaan lahayd, ayaa waxaa loo baahday in dalka iyo dadka lagu baahiyo, waxaana sidaasi ku biloowdey ololihii Farta sanaddii 1972-dii , Ololahaas oo ay Dawladdii Siyaad Barre  markii dambe ku baahisay  dhammaan deegaamada dalka, dadka reer miyiga ah ama reer guuraagu aad ayey wax u barteen.

Warbixino ay hay’ado diyaariyeen waxaa lagu sheegay in Ololahan uu kor u qaaday  aqoonta dadka min 2% ilaa 55%.

Xiligii ay jirtay dowladdii kacaanka waxaa dugsiga lagu baran jiray farta Soomaaliya dhamaan maadooyinka manhajka ku jirey sida seyniska, xisaabta iyo wax kasta oo kale.

Sanaddii 2012-kii waxaa dalka  Djabuti lagu qabtay xaflad lagu xusay 40-sanno guuraddii qoridda far Soomaaliga, Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa marxaladii ugu xumeyd ee xaga midnimada, Qowmidda Soomaalida ayaa u midowday xuska maalintaas.

Munaasabaddaas waxaa  lagu daah rogey qaamuuska ugu weyn ee af-Soomaali lagu qoro, kaas oo fikirkiisa uu lahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana ay wada-jir u diyaariyeen machadka Afafka ee Jabuuti iyo Naadiga Qalinlayda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed (Somali-Speaking PEN Club).

January 21, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  isaga oo ka hadlayay xuska 42 guurada kasoo wareegtey markii la qorey farta Soomaaliga  sheegey in laga bilaabo maalintaas ay mabnuuc tahay in far aan ahayn tan Soomaaliga lagu isticmaalo xafiisyada dowladda, haddii aanan markaasi xiriir lala samaynaynin cid dibadda ah.

February 21, 2015: Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Djabuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa Muqdisho ku dhagax dhigay xarun goboleed lagu hormarinayo luqadda iyo dhaqanka Somaliweyn, Waxaa loo loogu Magac daray Akaadimiyad Goboleedka Farta Soomalaiga, Xasan Sheekh ayaa maalintaas sheegay in arrintaas lagula tartami doono luqadaha caalamka.

Amarka Madaxweyne Xasan Sheekh  ee ahaa in xafiisyada dowladda ay ku shaqeeyaan qoraalka Soomaaliga waxba lagama soo qaadin oo wax walbo waa sidii hore xafiisyada dowladda,

Waxaa 45 sano laga joogaa markii la qoray Afka Soomaaliga, waxaa xaflado ka dhacayaan guud ahaan dalka, lama oga amarrada soo bixi doona, waxaa kaloo ka muhiimsan amarradaas soo baxaya Maxaa loo fulin la’yahay, ugu yaraan Mas’uuliyiinta dowladda ha ogaadeen in Taariikhda ay qormesyo, Saxaafaddana ay diiwaangelineyso wax walbo oo ay sheegaan, Laguna xisaabtamayo fulintooda iyo fulin la’aantooda.

Goobjoog News