U bood dhigaalka

Taariikhda Qoraaga iyo Saxafiga Maxamed Xasanen Heykal

Sheeko:Dalka

Waxaa duhurnimadii arbacada ku geeriyooday Qaahira qoraaga weyn ee Masar Maxamed Xasan Heykal, sida uu ka dardaarmana waxaa salaadda Jinaasada lagula dukaday masjidka taariikhiga ah ee Xuseen xilliga saaladda Casir kadibna waxaa lagu aasay qubuuro ku yaalla isla Qaahira.

Mr. Heykal wuxuu ku jiray Cusbitaal maalmihii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay in uu qabay xanuun Keliyaha ah oo  markii dambe uu u geeriyooday markuu uu cuntada ka go’ay.

Heykal waxaa ay dadka ugu yeeraan weriyaha dowladda, saxafiga magaca u yeela madaxda iyo qoraaga ay iska ilaaliyaan cadawgiisa, waxaa uu ahaa taariikh socota, waxaa uu ahaa qoraagii ama saxafigii ugu caansanaa carabta 100-kii sano ee la soo dhaafay.

Maxamed Xasaneen Heykal waxaa lagu xasuustaa in uu ahaa wariyaha ama afhayeenka hogaamiyihii Carabta iyo Masar Jamaal Cabdinasir, isagoo muddo dheer madax ka ahaa wargeyska ugu duqsan uguna magaca dheer dunida carabta ee Ahraam.

Maxamed Heykal waxaa uu khilaaf adag kala dhaxeeyay madaxweynihii ka dambeeyay Jamaal cabdinasir ee  Anwar Al-saadaat taas  oo keentay in markii dambe uu xiro 1981.

Maxamed waxaa xabsiga ka soo daayey Xusni Mubaarak markii uu la wareegay xukunka, laakiin weli mucaarad ayuu ahaa, Mubaarak waxaa uu ka fogeeyay Heykal ssiyaasadda 29-kii sano ee uu ka talinayey Masar.

Maxamed Xasaneen Heykal waxaa uu barnaamij todobaadle ah muddo dheer ku lahaa Telefishinka caanka ah ee Al-jazeera, Barnaamijkaas waxaa uu ahaa”Maca Heykal”, waxaa uu uga sheekeyn jiray Sooyaalka taariikhda iyo Waayo aragnimadiisa.

Muddooyinkii ugu dambeysay waxaa uu barnaamij ku lahaa Tv CBC isagoo ka hadli jiray dhacdooyinka ugu muhiimsan Masar, bariga dhexe iyo Caalamka.

Taariikhda Ustaad Heykal oo Kooban:

Waxaa uu ku dhashay xaafadda Xuseen ee Qaahira sanadkii 1923-dii, yaraanstiisii ayuu Saxaafadda ku biiray, waxaa la kulmay hogaamiyeyaashii Masar: Boqor Faaruuq, Maxamed Najib, Jamaal Cabdinasir, Anwar Al-sadaat, Maxamed Xusni Mubarak, Maxamed Mursi iyo Cabdifitax Al-sisi.

Heykal wuxuu Saxaafadda ku soo biiray isagoo 19 jir ah sanadkii 1942-dii, isagoo ka shaqo bilaabay qeybta tarjumada, waxaa uu ka shaqeeyay Egyptian Gazette, Rose el-Yusuf, Akhir Saaca, wuxuu ka soo waramay dagaalkii labaad ee adduunka, kadib qoraal features uu sameeyay waxaa uu boqorkii Masar ku abaalmariyay abaalmarinta ugu sareysa dalkaas.

Saxafinimadiisa waxaa la xasuustaa dhulal badan uu tagay kana soo waramay sida: dagaalkii Falastiin, afgambiyo ka dhacay Iran iyo Suuriya, dilkii boqor Cabduluhi ee Qudus, dilkii Riyaadh Al-Sulxi ee Camaan, dagaalkii labada Kuuriya iyo dagaal dhex maray Hindiya iyo Shiinaha

July 23, 1952: Markii ay Askarta afgambiyeen boqorkii dalka Masar, waxaa uu Heykal xiriir soke la yeeshay Jamaal Cabdinasir, isagoo markii dambe noqday Afhayeenka ciidamada kacdoonka sameeyay.

1957-1974: waxaa uu ahaa tifaftiraha wargeyska Ahraam, waxaa uu wargeyska qabtay iyadoo deymo lagu leeyahay, qeybintiisana ay yar tahay, isagoo ka dhigay 10-ka wargeys ee ugu fiican, loogu akhrinta badan yahay caalamka.

1970: Madaxweyne Jamaal Cabdinasir oo ay saxiibo ahaayeen ayaa u magacaabay Wasiirka Hanuuninta qaranka, waxaa uu iska casilay markii uu geeriyooday Cabdinasir.

Heykal waxaa uu qori jiray khudbadaha madaxweyne Jamaal Cabdinasir, khudbadaha la xasuusto waxaa ka mid ah khudbaddii uu isku casilay Jamaal Cabdinasir markii ay ku jabeen dagaalkii 1967-dii.

February 2, 1974: Waxaa uu Anwar Al-saadaat u magacaabay Lataliyaha madaxweynaha isagoo rabay in uu kala taliyo siyaasado badan laakiin Heykal  jagadaas waa iska diiday isagoo dalka dibadda uga maqnaa.

1978: Waxaa ka dacwooday wasiirka arrimaha gudaha, Heykal waxaa lagala laabtay Passport Masaariga ah, waxaaba laga mamnuucay in uu dalka ka baxo, markii dambana xabsiga ayaa la dhigay.

2011: Xilligii dowladda Maxamed Xusbi Mubaarak, waxaa uu aad uga soo horjeeday in Mubaarak wiilkiisa uu dhaxlo talada dalkaas, isagoo ka mid ahaa shakhsiyaadka taageersan Kacdoonkii  January 25, 2011-kii ka dhacay Masar ee lagu riday Mubaarak

2012: Xilligii dowladdii Ikhwaanka, Heykal waxaa uu la kulmay Maxamed Mursi, laakiin waxaa muuqato in uu necbaa, waayo waxaa uu aad u taageeray kacdoonkii lagu riday Mursi iyo markii dambe Sisi.

2013: Dowladda hadda jirta ee Cabdifitax Al-sisi waxaa uu ka mid ahaa dadkii taageeray weliba talooyin badan ayuu siiyay si dalka uu u dalka u maamuli lahaa.

Heykal waxaa uu allifay kutubo badan sida: Hubka iyo Siyaasadda, Madaafiicda Ayatul Lahi, Kalaam fis siyaasada iyo qoraalo badan uu ka sameeyay arrinta Falastiin, Mareykanka, Ciraaq, Afgaanistaan, Israa’il, dagaalkii Khaliijka iyo arrimo kale.

Qoyskiisa:

Waxaa uu guursaday Hidayat 1955-tii, waxaa ay u dhashay 3 wiil oo kala ah: Cali, Axmed iyo Xasan oo dhamaantood aqoonyahano ah.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News