U bood dhigaalka

Taariikhda Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Harriet Mathews-Akhri

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga, Danjiraha cusub ee Boqortooyada UK (United Kingdom) wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Ms Harriet Mathews.

Hadabada waa Tuma Harriet Mathews OBE ?

Ms Harriet Mathews OBE  ayaa Jagadan loo magacaabay March 16, 2015, Waxaa lagu badalay Mr Neil Wigan kaas oo loo badalay meelo kale.

Ms Mathews waxaa ay kusoo biirtay xafiiska(Foreign and Commonwealth Office) FCO sanadkii1997, dhawaanaha waxaa ay Madax ka aheyd xafiiska Ebola Task Force.

Ms Mathews waxaa ay horay 3 jago uga soo qabatay Afrika sida iyadoo noqotay madaxa waaxda bariga iyo Galbeedka Afrika, Tamarta iyo Xafiiska dibadda,waxaa ay kasoo shaqeysay Brazil, Israel iyo Afghanistan, Harriet waxaa ay Abaalmarinta  OBE  sanadkii 2005 shaqadeeda Galbeedka Afrika.

Taariikheeda oo Kooban:

Harriet Mathews OBE

1997-dii, ayey kusoo biirtay(Foreign and Commonwealth Office) FCO.

1998: Xarunta FCO ayey ka shaqeysay dhanka Bartamaha Afrika.

1999-2002-dii, Waxaa ay joogtay Caasimadda Brazil ee Brasilia, iyadoo halkaas xogheyn labaad ka aheyd.

2003-dii: Xagga Warfaafinta ayaa xafiiska madax looga dhigay.

2003-2005: FCO ayaa u dhiibtay xafiiska waaxda Galbeedka Afrika.

2005-2008: Tel Aviv,  iyagoo halkaas ka aheyd Madax ka aheyd xafiiska Siyaasadda iyo Warfaafinta.

2008-2009: FCO ayaa Madax uga dhigtay qeybta sharci ilaalinta ee dalka Afghanistan.

2009-2011: FCO ayey u qaabilsaneyd Tamarta, Isbadalka Cimilada iyo waaxda Tamarta.

2012-2014: FCO ayaa u Magacawday madaxa Xafiiska Bariga iyo Galbeedka Afrika.

2014: Waxaa loo Magacaabay Madaxa Ebola Task Force

Waxaa ay kasoo qalin jabisay University of York, Waxaa la sheegaa in ay tahay qof Khibrad badan u leh arim aha Diplomaasiyadda iyo danaha boqortooyada Ingiriiska.

 Liiska Safiirada ay dowladda Ingiriiska usoo Magacawday Soomaaliya:

  • 1960–1961: Thomas Bromley
  • 1961–1963: Lancelot Pyman
  • 1963–1968: Xiriirka waa uu go’naa arinta Northern Frontier District darteed.
  • 1968–1970: Stephen Whitwell
  • 1970–1973: James Bourn
  • 1973–1976: John Shaw
  • 1977–1980: Henry Brind
  • 1980–1983: Michael Purcell
  • 1983–1987: William Fullerton
  • 1987–1989: Jeremy Varcoe
  • 1989–1990: Ian McCluney
  • 1991–2012: British Embassy in Mogadishu evacuated 6 January 1991 after collapse of Siad Barre administration and start of the civil war; relations maintained through the UK diplomatic office in Nairobi
  • 2012–2013: Matt Baugh
  • 2013–2015 march: Neil Wigan
  • 2015 march–present: Ms Harriet Mathews OBE.