U bood dhigaalka

Taariikhdii iyo Xusuustii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Sheeko:Dalka

December 21, 1920-kii waa maalintii uu geeriyooday geesigii Soomaaliya Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, hadaba 95 sano kadib dadka ma xasuustaan Sayid Maxamed Cabduule Xasan.

Googjoog News waxaa ay la xiriirtay qoyskii Sayidka Maxamed Cabdulle Xasan, qaar ka mid ah caruurtiisa si Soomaalida dhamaan u xasuusiso Taariikhda qiimaha badan ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Sayidka waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1920), waxaa uu  ahaa Hogaamiyhii Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland,  Nugaal iyo Taleex.

Sayidka oo caddaanka ugu yeeraan”Mad Mullah oo ah wadaadkii waalnaa”waa sheeko kale oo Soomaaliyeed oo Taariikh dalkeena ku faano, baal dahab ahna ka galay.

Sayidku wuxuu dhashay sanadkii 1856 gugii la magac baxay “Gobeysane” oo ahaa gu barwaaqo ah dad iyo duunyaba wixii dhashay hanaqaad noqdeen wuxuu ku dhashay balliga la yiraahdo Sacmadeeqo oo Buuhoodle ka tirsan.

Quraanka wuxuu ku bartay gurigoodi,cilmigana wuxuu ka raacday xer fadhiyi jirtay Nugaal Abbaarahii 1892ki wuxuu u kacay Makka iyo Madina waxeeyna isu raaceen 13 wadaad oo ay isku xer ahaayeen.

Sayidka magaalada Maka waxaa ay isku arkeen wadaad Suudaani ah oo Saalix lagu magacaabi jiray, Sayidka waxaa uu ahaa Saalixiya oo ah dhariiqo ka tirsan Suufiyada.

Xaaji Maxamed 1895 ayuu dalka dib ugu soo laabtay, markii uu dalka soo cago dhigtay, Berbera ayuu Ingiriis Cashuur ugu diiday, isagoo kor u qeyliyay kuna afceliyay ninkii Caddaanka ahaa, wuxuuna ugu jawaabay: “Adiga yaa cashuurtii kaa qaaday markaad halakan ka soo degtay?”.

Dabadeedna afceliyihii baa ku yiri ingiriiskii “waa wadaad waalane inaka daa”. Sidaa daraadeed waxaa ingiriisku ku magcaabay wadaadkii waalaa.

Daraawiish labaatan sano ayey duurka ku jirtay, mar la jabiyo iyo marar ay guulaystaan, Xabashi, Ingiriis iyo Talyaani intaba foodda ayey is-dareen, heshiisyo badan ayey galeen, dhamaan guuldaro ayey ku dhamaadeen.

Sayidka Gabayadiisa waxaa ka mid ahaa: Sagaal nin oo walalo ah sideenaas, sideeduna bah gaar tahay sidiinaas, ninkuna bah-gaaryahay sidaydaas, sideeduba ninkii siri sidiinaas, nikuna sirtii og sidaysaad, hadaynu isa-siri sideenaba ma iska kala tagnaa sideedaba”!.

1900-1920-kii, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid  ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe(August 1913kii)

 Duullaankii koobaad iyo kii labaad oo bilowday 1899 waxa ay dhamaadeen October 6, 1902 dii.  Goobihii Ingiriiska iyo Sayidku ku kulmeena waxaa ugu weynaa Af-Bakayle iyo Fardhidin.

Ingiriiska intii ay socdeen labadii duulimaad ee horre waxaa u korodhay waayo-aragnimo dheeraad ah waxayna ogaadeen xoogga Daraawiishta oo ah mid aan dhayal loo loodin karin.

July 3, 1903 dii waxaa dhamaaday dagaalkii saddexaad oo intuu socday Sayidka iyo Ingiriisku Bari iyo Waqooyiba ku dagaalameen.

Dagaalkii afraad wuxuu ahaa mid ay xoog uga qeyb galeen maraakiibta dagaalku, waxaana Ingiriisku go’aan ku gaadhay in Sayidka siddii dowlad xoog badan oo kale loola isticmaalo.  Goobihii laysaga horyimid intii duulimaadyadaasi socdeen oo Daraawiishta iyo Ingiriisku isku haleeleena waxaa ka mid ahaa Beerdiga, Cagaarweyne, Daratoole, Taargooye, iyo Jidbaale.

Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday inay Sayidka kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii boqoradii Hindida ay kula dhaqantay oo ah inay maal badan iyo mushaaro joogta ah siiso.

 Dagaallada caanka ah ee dhacay waxaa ka mid ahaa dagaalkii lagu dilay taliyihii ciidamada Ingiriiska Richard Corfield, gaalkaasi oo Soomalidu u taqaanay Koofil ahaana ninkii Sayidku ka tiriyey gabaygii caanka ahaa, ee Adaa Koofiloow Jiitayoon.

  • Adaa Koofiloow jiitayoon dunida joogayne
  • Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la’aaneede
  • Jahanaba la geeyoow haddaad aakhiro u jahato
  • Nimankii janno u kacay war bay jirin inshaalleye
  • Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto
  • Kuwase naarta joogiyo markaad jananadii gaadhid
  • Sida Eebbahay kuu jirabay mari jawaabteeda

Ciidamada Ingiriiska ee barrigu waxba waa ka tari waayeen Sayidka waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo qalcadihii kale.  Sayidku wuxuu ku caan baxay tabco iyo taaktiko dagaal.

 Ugu dambayntii waxaa Sayidka lagu soo kacshay dayuuraadka dagaalka waxaana weeraradaa hogaaminayey Dhame Duuliye Gordon wuxuuna cadowgu isticmaalayey diyaaradaha noocoodu ahaa DH9, waxayna duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo xarumihii Sayidka oo dhan.  Sidaa darteed, Daraawiishtu waxay ahaayeen urur gobonimo doon ah ee adduunyada ugu horeeyey ee dayuuradaad lagula dagaalamo.  Sayid Maxamed intaa kadib wuxuu soo aaday Koonfur.

Geeridii Sayid Maxamad.

Allaha u Naxariistee Sayidku wuxuu ku geeriyooday aaga Webi Shabeelle degmo ku taalo gaar ahaan Degmada Iimey.

Maanta oo kale December 21, sanadkii 1921-kii ayaa Geesigii Soomaaliya geeriyooday, waxaana la tabiyaa inuu u geeriyooday xanuun lagu sheegay duumo iyo qandho oo daraawiish si ba’an u haleelay.

Ugu Dambeyn Sayidka Maxamed geeridiisa waxaa laga joogaa 95 sano, dadkii uu Sayidka dagaalka kula jiray Muqdisho ayey nala joogaan, Caddaankii waxaa ay noqdeen Saxiib halka Madowgii isku badaleen Walaal.

Tusaale ahaan: Xabashi oo waagaas cadaw aheyd, dagaallo badan uu la galay Sayidka, waxaa ay noqotay Walaal, waxaa loo cabsadanaa in dagaalkii 77 ama dagaalkii xoreyntii Soomaali Galbeed in loo badalo in uu ahaa dagaal sokeeye oo dhexmaray labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya….Hadaba Maxaa loo la’yahay hogaamiye noocaas ah iyo in Soomaaliya Soomaali u taliso?

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye