U bood dhigaalka

Somaliland: Tababar Loo Soo Xiray 55 Sarkaal Oo Booliis Ah

Sheeko:Dalka

Taliska guud ee ciidamada Booliska Somaliland ayaa u soo xiray Tobobar muddo 14 maalmood ah u socday  55 askari oo ka mid ahaa taliyayaasha saldhiyada booliska iyo ku xigeenadooda  ee guud ahaan gobollada Somaliand

Tobobarkan ayaa  ujeedkiisu ahaa in saraakiishan lagu carbiyo qaabka  sharciga waafaqsan ee ay ula dhaqmi lahayeen shacabka dambiyada gala iyo inay dambiyada ka ilaaliyaan inay dhinacooda ka soo  leexdaan inta aanay u gudbin maxakamadaha iyo garsoorka.

Tobobarkan  oo  ay gacan ka gaysanaysay hay’adda  barnaamijka horumarinta adduunka  u qaabilsan qaramada midoobay ee UNDP ayaa taliyaha guud ee booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal IImaan oo ka warramay faa’idada haddii ay dhaqangeliyaan taliyayaashu ay shaqadooda ka bedeli karo tobobarkan u xirmay, “ Tababarkan waxaad ku baranayseen hoggaaminta iyo sidii aad bulshada u adeegtaan aad si wacan ula dhaqmi lahaydeen madaama aad markasta tihiin saaxiibkii bulshada“.

Taliye fadal waxa sidoo kale  uu sheegay in la barayey taliyayaashan shuruucda dhinaca booliska ee dambiyada uga  meel yaalla Somaliland  oo ay waajib tahay in boolisku fuliyaan oo ay bartaan iyagu ugu horrayn.

Wasiiru-dawlaha  arrimaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye  ayaa isna xiritaankii  tobobarkan ka sheegay in dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada Somaliland ay booliska magan uga yihiin sugidda amnigooda iyaga oo aqoon ku dabaqaaya .

Dhamme Axmed Faarax oo ka mid ahaa taliyayaashii tobobarkan qaatay  waxuu u mahadceliyey taliskiisa guud iyo cidkasta oo gacan ka gaystay inay aqoontan helaan , waxaanu sheegay inay ku dabaqi doonaan shaqadooda.

Tababarada noocan oo kale ah ayaa waxay kaalin weyn ka qaataan horumarka xiriirka is fahamka ee u dhexeeya Booliska iyo Bulshada.

Goobjoog News