U bood dhigaalka

Tababar Loo Furayo Ergada Soo Dooraneysa Senatorada Aqalka Sare Somaliland

Sheeko:Amniga

Waxaa saacadaha soo socda maanta magaalada Muqdisho tababar uga furmaya Ergooyinka dooranaya Senatarada Aqalka Sare ee dalka.

Guddiga doorashooyinka Aqalka sare ee Somaliland ayaa maalmihi la soo dhaafay waday bixinta shahaadooyinka Musharixiinta iyo diiwaan gelinta.

Maanta oo Axad ayaa ergooyinka dooranaya Senatarada Aqalka sare ku matalaya Somaliland tababar looga furaya Muqdisho, iyadoo beri oo isniin ah ay bilaaban doonto dhageysiga khudbadaha Musharixiinta Aqalka Sare.

Todobaadkaan ayaa lagu wada in guud ahaan doorashada Aqalka sare senatarada ku matalaya Somaliland lagu soo gaba gabeeyo magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi xaashi Cabdillahi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa horay si wadajir ah ugu soo magacaabay Musharixiinta Aqalka sare Somaliland.

Goobjoog News