U bood dhigaalka

Tababar Socday Muddo Laba Isbuuc Ah Oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Sheeko:Amniga

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta  Mudane Saciid Cabdulaahi Calsoow, ayaa maanta tababar u socday muddo labo todobaad  ah  u soo xiray tababarayaasha hoggaaminta Maxaliga, ee  maareeynta khilaafadka    iyo dhiirrigalinta haweenka,  leh hanka ka kheybgalka Dowlahaha hoose, Waxaana  ka Qeygalay tababaryaal iyo  Mas’uuliyiin  ka socday. dowlada heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed  xubnaha ka mid ah  maamulka gobalka Banaadir.

Maareeyaha Machadka Dowladda hoose ee Xamar Cumar Faaruuq Cabdullaahi oo ka hadlay munaasbada lagu soo xiray tababarka,  ayaa yiri “ Waxaan kula dar-daarmayaa tababarayaashi ka Qeybgalay tababarka inay si sax ah u gaarsiiyaan dadka ay ka soo tageen Cilmigay barteen”.  Ayuu yiri; Cumar Faaruuq.

Agaasimaha Macadka Qaranka ee Dowladda hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cumar Maxamed Caalim,  ayaa sheegay tababarka ay qaateen tababaryaasha muddo 15 cisha ah in uu faa”iido u leeyahay dadkii ka Qeybgalay.

Agaasimaha guud ee Wasaradda Arrimaha Gudaha Feredaalka iyo Dib  U Heshiisiinta,ayaa  Mudane Saciid Cabdullaahi Calsoow aya yiri “ waxaan u mahadcelinayaa Macaliintii tababarka bixisay, tababarayaashii diyaarka u ahaa inay halkaan Cilmi ka bartaan,Waxaan ka rajaynaa Cilmigay halkaan ka barteen inay ugu adeegi doonaann bulshaday ka yimideen” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaradda Arrimaha Gudaha Feredaalka Mudane Saciid Cabdullaahi Calsoow

Gabagabadii Munaasbada waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay dadkii Qaatay Tababarka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Feredaalka Dib U Heshiisiinta, tababarkaan ayaa waxaa sigaar ah uga faaiideystay mas’uuliyiin ka kale socday dowladda federalka dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Goobjoog News