U bood dhigaalka

Tababarayashii Imaaraadka Oo Ka Dhoofay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka laga helay magaalada xeebta ay ee Boosaaso waxaa ay sheegayaan in dowlad goboleedka Puntland ay fasaxeen madaxdii iyo tababarayashii Imaaradka Carabta ee gacanta ku hayay xerada ciidanka Badda Puntland PMPF kuwaas oo muddo ku xayirnaa  garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in diyaaradda laga reebay agab miliri oo ay horay u qaadan lahaayeen.

Lama garanayo sababta ka damheysa bixitaan Imaaraadka ee Puntland, laakin arrintan ayaa imaaneysa xilli todobaadkii hore ay Muqdisho la wareegtay 10 Milyan oo saarnaa diyaarad ka timid Imaaraadka.

Goobjoog News