U bood dhigaalka

Tababare Maxamed Cabdulle Farayare “Horomar Weyn Ayaan Ka Geysan Doonaan Kooxda Kubbadda Cagta Raadsan”

Sheeko:Cayaaraha

Tababarihii hore Xulalka Qaranka Soomaaliya Maxamed Cabdulle Farayare ayaa qabtay shaqada kooxda kubbadda cagta Raadsan oo ka ciyaarta horyaalka Somalia Premier League, waxayna maamulka kooxda talaabadan ku sheegeen guul weyn oo u soo hooyatay.

“Aad Ayaan ugu faraxsanahay in aan qabato shaqada kooxda Raadsan oo da’daal wanaagaan samaysay labadii sanno la soo dhaafay aad ayaan ugu mahadcelinaynaa Maamulka iyo ciyaartooyda Raadsan sida wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen” ayuu saxaafadda isboortiga u sheegay tababare kooxda Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare.

“Macallimow Farayare ku soo dhawaaw kooxda Raadsan halkan waa hooygaaga waxaa joogaa maamul iyo ciyaartooy u baahan in ay ka faa’ideestaan khibradaaada hogaamineyd” ayuu isna warbaahinta Ciyaaraha u sheegay xogahayaha kooxda Raadsan Cabdiweli Xuseen Jaamac.

 

Macallin Maxamed Cabdulle Farayare wuxuu ka mid yahay tababarayaasha aqoonta wanaagsan u leh kubbadda cagta Soomaaliya, isagoo haysta shahaada ugu saraysa Qaarada Afrika ee CAF License , waxaana laga xasuustaa in uu ka mid ahaa macallimiintii Soomaaliya markii ugu horeesay gaariisayay fiinalaha tartanka 17-Jirada Bariga iyo Baramaha AFrika 2018 ee ka dhacay dalka Burundi.


“Waxaana u mahadeclinaynaa Macallin Cabdi Joon iyo tababare Axmed Gidaamow sida wanaagsan ay u dhiseyn kooxda Raadsan , waxaan rajaynaa in aan kooxda ka qaato doorkayga guul iyo horomar ayaan inoo balan “ ayuu sheeegay Macallin kooxda Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare.

Sidoo Kalre Aqriso Warar Dheeri Ah

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/cabdullahi-faarax-daguur-tababare-cabdi-joon-wuxuu-u-qalmaa-hogaaminta-xulka-qaranka-soomaaliya/