Tahriibayaal Ku Geeriyooday Tanzania

Sida ay shaaciyeen booliiska dalka Tanzania waxaa geeriyootay 44 qof tahriibayaal ah oo doonayey in si sharci darro ah ku galaan dalal Koonfur Africa kamid tahay.

Tahriibayaashan ayaa lagu soo qariyey gaari xamuul oo sida Kunteenar, waxaana la sheegay in halkaasi ay neef ku dhegtay sida ay sheegeen saraakiil u hadashay booliiska Tanzania.

Kunateenarka dadkani ay saarnaayeen waxaa ku jiray Kalluun isaga oo ka diiwaan gishanaa dalka Zambia.

Tahriibayaashan ayaa kusiii jeeday sida la sheegay dalal ay ka mid tahay Koonfur Africa, qaarkoodna waxay doonayeen in meelo kale usii tahriibaan.

Tahriibayaasha ayaa dhibaato kala duwan la kulma xilliyada ay safarka yihiin waxaana ka mid ah waxyaabaha ay la kulmaan jirdil, af-duub iyo dhimasho.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW