U bood dhigaalka

Tahriibayaal Lagu La Yahay Badda u Dhaxeysa Liibiya Iyo Talyaaniga

Sheeko:Dalka

Doon ay la socdeen Tahriibayaal ayaa lagu soo waramayaa in lagu la yahay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga, waxaana saarnaa doonidaasi dad tiro ahaan gaarayey 100 qof.

Sarkaal u hadlay ciidamada badda ee dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in ay wadaan baadigoobka dadkaan  la layahay, iyadoo markii dad ugu wardambeysay ay kusoo dhowaayeen biyaha Talyaaniga.

Waxa uu sheegay sarkaalkan iney dedaal ku bixinayaan sidii ay dadkaasi kusoo badbaadin lahaayeen, balse ay suurtagal tahay in doonidaasi ay degtay.

Doonidan ayaa kasoo baxday xeebaha dalka Liibiya, waxaana tahriibayaasha saaran ay badi kasoo jeedaan qaaradda Afrika, iyadoo aan la ogeyn in Soomaali ay la socdaan iyo in kale.

Badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga waxaa ku dhammaaday muhaajiriin badan oo Afrikaan ah, kuwaasi oo doonayey in nolol dhaanta dalalkooda ay ka helaan qaaradda Yurub.

Goobjoog News