U bood dhigaalka

Tahriibayaal Lagu Xiray Dalka Masar

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka ee dalka Masar ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen gelinkii dambe ee shalay dad tahriibayaal ah oo tiradoodu lagu sheegay 200 oo ruux.

Tahriibayaashaan ayaa 50 ka mid ah waxaa la sheegay inay yihiin Soomaali, waxaana ay doonayeen in ay doon ka raacaan xeebta magaalada Alexandria ee dalka Masar.

Howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidanka amniga Masar ayeey ku suurta gashay in dadkaasi la qabto, waxaana dadka aan Soomaalida ahayn iyaguna dalalkooda lagu kala sheegay Eretria, EthiopiA, Sudan iyo Syria.

Dalka Masar waxa uu noqday muddooyinkaan dambe halka ugu badan ee qaabka tahriibka looga baxo, waxaana dadka ay u jiheystaan dhanka dalka Talyaaniga.

12-kii bishan ayaa doon ay la socdeen tahriibayaal gaaraya 500 oo qof waxay ku degtay badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga, waxaana lasoo badbaadiyey oo kaliya 23 qof sida uu Goobjoog News u sheegay mid ka mid ah dadkii lasoo badbaadiyey.

Goobjoog News