U bood dhigaalka

Tahriibayaal Soomaali Ay Ku Jiraan Oo Lagu Xiray Dalka Liibiya

Sheeko:Dalka

Warbaahinta dalka Liibiya ayaa maanta oo Jimco ah waxay baahiyeen in ciidamada dalkaasi ay qabteen Kumanaan Tahriibayaal ah oo Soomaaaliya ay ku jiraan,  kuwaa oo doonayey in dalka Talyaaniga u gudbaan.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Liibiya Martin Koler ayaa sheegay in hadda dalkaasi lagu hayo dad gaaraya 2,315 oo Tahriibayaaal ah, kuwaasi oo doonayey in doon ay ka raacaan dalkaasi si ay u gaaraan Liibiya.

Dhinaca kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Liibiya Muxyadiin Maxamed oo la hadlay BBC wuxuu sheegay in dhallinyaro Soomaaliyeed ay ka mid yihiin dadka la hayo, islamarkaana dhawaan dib loogu soo celin doono dalkooda.

Dalka Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ugu badan oo tahriibayaasha ka baxaan si ay u gaaraan dalka Talyaaniga oo Yurub ka tirsan.

Goobjoog News