U bood dhigaalka

Talaabo Ay Qaaday Dowladda Soomaaliya Oo Ka Careysiisay Ganacsatada Qaadka Ee Dalka Kenya

Sheeko:Amniga

Ganasatada Qaadka ka keena wadanka Kenya ayaa cabasho ka muujiyey, talaabo ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya taas oo ay maalinimadii Sabtida ay ku hakisay diyaarad siday Qaad oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa, kaib markii  duulimaadyada caalamiga ah horay  loogu hakiyey sababo la xiriira xanuunka safmarka ee Coronavirus

Nyambene oo ah guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada Qaadka  ee Kenya, kaas  oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ee Kenya ayaa sheegay in diyaaradaas siday jaadka hawada laga soo celiyay maalintii sabtida, inkastoo oo uu sheegay in markii hore loo oggolaaday in ay in ay geli karto hawada Soomalaiya in aysan geli karin.

“Jaadkaas qiimihiisu wuxuu ahaa 30 kun oo doollar, 25 kun oo doollar waxay noqoneysaa gaadiidka lagu qaadayo oo aan dib loo soo celin karin, waxaanu oggolaansho ka helnay hey’adda duulista rayidka ee Somaliland, waxwalbana sidii la rabay ayay ku socdeen ilaa markii dambe diyaaradda ay gashay hawada Soomaaliya, duuliyihii diyaaraddana lagu yiri waxaad sidaa shixnad sharci darro ah ee dib u laabo,”ayuu yiri Munjuri oo la hadlayay wargeydka Standard”

Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in helitaanka suuqa jaadka ee Somaliland ay ahayd arrin ay ku farxeen markii hore, culeys weynna ka qaaday, maadaama ay suuq la’aan ku dhacday jaadka tan iyo markii uu dunida ka dilaacay feyraska corona “Waxaan isku dayeenay in dib loo furo xadka aynu la wadaagno Soomaaliya, si loo fududeeyo ganacsiga, balse waxay u muuqataa in aysan waxba kala soconin”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Somaliland deegaannadeeda kala duwan ayaa  inta badan Qaadka uu uga iman jiray dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in Qaad la’aan ay ka jirto, kadib markii ay rabshado ka dhaceen deegaanka Oromada oo ah halka laga keeni jiray, kadib markii dil qorsheysan loo geystay fanaan caan ahaa kasoo jeeday Qabiilka Oromada ee Itoobiya.

Goobjoog News