Taliska Africom oo Duqeyn Dhanka Cirka Ah Ka Fuliyay Gobalka Bakool

Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliya wadan ayaa duqeymo ka fuliyay deegaanka Tiyeegloow ee gobalka Bakool ka tirsan halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in xalay xilli danbe ay maqlayeen dhawaqa hubka culus ee duqeeynta diyaaradda ay ka sameeyneysay Faarisimaha Al-shabaab.

Duqeeyntan oo ay fuliyeen diyaaradaha Taliska AFRICOM ee mareykanka ayaana weli ka hadlin khasaaraha rasmiga ah ee duqeynta ay ka geeysteen deegaanka Tiyeeglow ee gobalka Bakool .

Howlkan ay iska kaashanayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AFRICOM, ayaa noqonaya midkii ugu horeyay kadib markii ay ciidamada mareykanka ay xaqiijiyeen intooda badan in ay isaga baxeen Soomaaliya.

Deeganada gobalka Bakool ayaa waxaa muddo 10-sano ka badan go’doono dhinacyo badan ah saaray Al-shabaab, iyadoo ay shacabka Magaalooyinka waaweyn ee Gobalka Bakool ay ka jirto xaaladoo nolol dari ah .

Related Articles

One Comment

  1. Dhacdadan ayaa sii xoojisay xiisadaha ka taagan gobolka, iyadoo Iran ay ku dhawaaqday inay jawaab ka bixin doonto. Tallaabadii ugu dambaysay, warqad ay u dirtay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Iiraan waxay ku xaqiijisay inay ilaalinayso xaqa ay u leedahay inay isdifaacdo iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW