U bood dhigaalka

Taliska AFRICOM Oo Faah Faahiyey Duqeyn Ay Ka Fuliyeen Jubbada Hoose

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Maraykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaan duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

AFRICOM oo kaashaneysa  saaxiibadooda Soomaaliya ayaa 17-kii bishan waxa ay duqeyn ka fuliyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen deegaan waqooyi Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo.

Waxaa qoraalka AFRICOM lagu sheegay in weerarkaasi lagu diley xubno ka mid ah Al-shabaab, balse magacyo iyo tiro laguma sheegin.

Sidoo kale, taliskan ayaa sheegay in aanay jirin waxyeello soo gaartay dadka rayidka ah ee ka dhowaa halka duqeyntan ay ka dhacday, ayna sii wadi doonaan howlgallada sidan oo kale ah, inta Al-shabaab laga saarayo Soomaaliya.

Goobjoog News