U bood dhigaalka

 Taliska AFRICOM “Saraakiil Shabaab Ayaan Ku Dilnay Jilib ”

Sheeko:Amniga

Qoraal ka soo  baxay Taliska AFRICOM ee howlgalka Mareynkanka Afrika ayaa lagu faahfaahiyay  duqeyn diyaaradaha mareykanka ay ka gaysteen gobolka Jubbada Hoose.

Waxa lagu sheegay qoraalkan in duqeyntaas lagu dilay saraakiil ka tirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab kuwaas oo la yiri ‘’ waxa ay ku dhuumalaysanayeen  Jubbooyinka ‘’

Qoraalka laguma faahfaahin magacyada lagu dilay weerarkaas , waxase  lagu xusay in ay jiraan xubno kale oo dhaawac uu ka soo gaaray duqeymaha.

Taliska AFRICOM ayaa sidoo kale waxa uu qoraalkiisa  uu ku sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha lala eeganayo saraakiisha Al Shabaab ee ku sugan degaano ka mid ah dalka.

Goobjoog News