Taliska B/weyne Oo Shacabka Ka Dalbaday La Shaqeynta Ciidamada Amniga

Taliska ciidanka Booliiska gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday shacabka B/weyne iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Korneel Isaaq Cali Cabdulle, taliyaha ciidanka Booliiska ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shacabka ay yihiin kuwa kaliya ee amniga kala shaqeyn kara ciidamada Booliiska.

Taliyaha ayaa baaq u diray qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan B/weyne ayna ugu horreeyaan odayaasha iyo waxgaradka waxaa uuna ballan qaaday guddoomiyaha dhankiisa in cid walba lala xisaabtami doono si amniga B/weyne uusan faraha uga bixin.

“Shacabka reer Hiiraan waa dad nabadda jecel , waxaan leenahay haddii aad nabadda aaynaan nagala shaqeyn waxba ma qaban karo waa inaad ciidamada amniga aad ku gacan siisaan kala shaqeynta xaqiijinta amniga, ciidamada qalabaka sida waxaa ay u amranyihiin in ay ka hortagaan wax walba oo nabadgelyada ka hor imaanaya “.

Magaalada B/weyne ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka jiray shaqaaqooyin sababay gacan ka hadal, sidoo kale ciidamada amniga ayaa waxaa ay wadeen howlgallo lagu qaadayay jidgooyooyin ay dhigteen kooxo burcad ah.

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW