U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Baladweyne Oo Ka Warbixyay Howlgal Ay Ka Sameeyeen Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee magaalada Baladweyne xarunta gobalka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi.

Taliyaha Booliiska Baladweyne Korneel Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in ay cidamadooda soo qabteen dad lagu tuhmayo Al-shabaab, Masoomayaal iyo sidoo kale dad isticmaalayay Maandooriye.

“Howlgalka dad badan ayaa soo qabanay, rag loo maleynayo Nabad diidka ayaan soo qabanay, waxaan ku wadnaa baaritaan, sidoo kale waxaan soo qabanay rag mindiyo gacmaha ku watay, misane maandooriye isticmaalaysa iyo waxaan kaloo qabanay kuwo masoomayaal ah” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay in dhammaan dadka la hayo la baarayo ka dibna cadaaladda la hor keenayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn Taliyaha saldhiga Baladweyne Cali Dhuux ayaa ugu baaqay shacabka magaaladaasi in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, islamarkaana ay soo sheegaan cid walba oo ay u arkaan in amni xumi wado.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa dhawaan sheegay in wax badan laga qaban doono falalka amni xumo ee ka taagan magaalada Baladweyne.

Goobjoog News