U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Baladweyne oo qeylo dhaan ka diray mushaar la’aan haysata (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

baladweyne-buundoTaliska ciidamada Booliiska ee Magaalada Baladweyne ayaa shaaca ka qaaday in xilligaan ay soo wajahday Mushaar la’aan baahsan, ciidamadana aysan weli helin wax mushaar ah.

Gaashaanle Dhexe Cali Dhuux Mahad Alle oo ah taliyaha ciidamada Booliiska Baladweyne, ahana ku simaha ciidamada Booliiska ee Gobalka Hiiraan ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in mushaar ay qaataan aysan jirin tan iyo markii dib loo aas aasay ciidamada Booliiska Baladweyne.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ay ku shaqeeyaan si iskaa wax u qabso ah, dowladana aysan waxba u tarin ciidamada Booliiska, isaga oo sheegay in aysan haysan agab ay ku shaqeeyaan.

Cali Dhuux ayaa si kulul u sheegay in dowladda ay ku sheegato oo kaliya, raadiyaha ay kula socodsiiyaan Marxaladda iyo 55 Askari oo Muqdisho loogu soo taba baray.

Mar uu dhanka hubka ka hadlayay ayuu sheegay in ciidamada Booliiska Baladweyne jooga aysan haysan hub ku filan, dowladana aanay weli ka helin hub ay ciidanka ku shaqeeyaan.

Ugu dambeen Gaashaanle Dhexe Cali Dhuux Mahad Alle ayaa ugu baaqay taliska Booliiska gobalka Hiiraan in deg deg ay wax uga qabtaan xaaladaan jirtay oo ay waliba ka war hayaan, hadii kalena ay runta usoo sheegaan ciidanka halkaasi ku sugan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News