U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Deegaanka Xeraale Oo Sheegay In Aysan Haysan Agab Ku Filan Oo Ay Ku Shaqeeyaan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

olTaliska Booliiska Deegaanka Xeraale ee gobalka Gal-gaduud ayaa faah faahin dheeraad ah maanta ka bixiyay qaabka ay ku shaqeeyaan ciidamada Booliiska ee degmadaasi iyo sidoo kale agabka ciidankaan ku shaqeeyaan.

Taliyaha dhanka amaanka ee deegaanka Xeraale Maxamed Cali Maxamed ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in xilligaan aysan haysan agab ay ku shaqeeyaan, cabashadoodana taasi tahay.

Xarunta saldhiga ayuu sheegay in Laba qol oo kaliya yahay, ayna u baahnaan lahaayeen in qolal dheeraad ah lagu daro, maadaama xilligaan aan lagu shaqeyn karin.

Waxa uu sidoo kale sheegay Taliyaha in ciidamada aysan haysan agab ku filan sida dareeska, hubka iyo waxyaabo lagama maarmaan u ah shaqadooda.

Ugu dambeyn Taliyaha dhanka amaanka ee deegaanka Xaraale Maxamed Cali Maxamed ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in ciidamada Booliiska ee ka howlgala deegaankaasi ay soo gaarsiiyaan agab walba oo muhiim u ah shaqadooda.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

 

Goobjoog News