U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Degmada Jowhar Oo Sheegay Is Bedal Amni Laga Dareemayo Degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Jowhar (1)Taliska ciidamada Booliiska ee degmada Jowhar xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in amni ahaan ay aad u wanaagsan tahay degmadaasi, islamarkaana is bedal la dareemayo.

Maxamed Siyaad Cali Canjeex oo ah taliyaha saldhiga Booliiska ee Jowhar ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ciidamada amaanka ay xilli walba ku howlan yihiin sidii ay amaanka ku sugi lahaayeen.

Waxa uu sheegay taliyaha in shacabka ku dhaqan degmadaasi ay kaalin xoogan ka qaataan sugidda amaanka guud ee degmadaasi iyo sidoo kale in wax walba oo degmada kusoo kordha ay ciidamada usoo sheegaan.

Dhanka kale Taliyaha Booliiska Jowhar ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad dad ku xiran saldhiga degmadaasi, wuxuuna tilmaamay in caafimaadkooda iyo raashiinka ay cunaan yihiin kuwo aad u wanaagsan, islamarkaana xilli walba nadaafadooda la kormeero.

Ugu dambeen taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka Jowhar in ay sii Laba Jibaaraan wada shaqeynta ciidamada dowladda, kuna dadaalaan sidii nabad iyo kala dambeyn ay degmadaasi uga jiri lahayd.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News