U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Degmada Qoryooley Oo Sheegay Iney Gacanta Ku Dhigeen Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsanaa xarakada Al-shabaab kadib howlgallo ay ka sameeyeen degmadaasi.

Amaddi Gaabow oo ah taliyaha saldhigga Booliiska degmada Qoryooley oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalkoodaan oo ahaa mid qorsheesan ay soo qabteen sarkaalkaan, islamarkaana isaga afkiisa ay ka xaqiijiyeen inuu madax ka ahaan jiray deegaanno badan oo Shabellaha Hoose ka mid ah.

Taliyaha ayaa sheegay in sarkaalkaan su’aallo ay weydiiyeen kadib uu u sheegay inuuu lasoo dagaallay Al-shabaab, islamarkaana uu doonayey in ciidanka dowladda isku soo dhiibo inkastoo taliyaha uu ka gaabsaday magaca sarkaalkaasi inuu baahiyo.

“Ciidanka waxay sameeyeen howlgallo qorsheesan, waxaan qabannay nin amiir ah oo tuulooyin badan u maamulayey Al-shabaab, waxa uu inoo sheegay inuu isaga doonayeyba inuu dowladda isku soo dhiibo laakiinse hadalkaasi waa mid been abuur ah oo kama rumeysaneyno inuu ku fakado buu doonayaa” ayuu yiri taliyaha.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wadeen degmada Qoryooley ee Shabellaha Hoose iyo deegaannada degmadaasi ku dhow.

Goobjoog News