U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Dhuusamareeb Oo Ka Warbixiyay Howlgallo Ay Ka Sameeyeen Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Taliyaha saldhigga Booliiska ee magaalada Dhuusamareeb gobalka Galgaduud Xasan Qoorey oo maanta saxaafadda kula hadlay saldhigga degmadaasi ayaa ka warbixiyay howlgallo ciidamo ka tirsan Booliiska ay ka wadaan gudaha degmada Dhuusamareeb,

Waxa uu sheegay taliyaha inta uu socday howlgalkani inay kusoo qabteen dhallinyaro aad u farabadan, kuwaasi oo uu sheegay in looga shakisan yahay falal amni xumo inay maleegayeen, waxaana uu tilmaamay inay baaritaan ku wadaan dhallinyaradaasi.

Ulajeedka howlgalkani ayuu ku sheegay taliyaha inay tahay munaasabado lagu weyneynayo dhalashada Nabigeena NNKH ahaatee oo la filayo in dhawaan ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb maadaama lagu guda jiro bisha Mowliid.

“Maadaama magaalada oo dhan looga diyaar garoobayo xafladii mowliidka ee aadka noogu qaaliga ahayd ayaa waxaan go’aan sannay in magaalada dhan aan baaritaan ka sameynno si amniga loo xaqiijiyo, waxaan haynaa dhallinyaro aad u badan kuwaasi oo laga shakiyay, laakiinse waa la baarayaa, kadibna wixii lagu helo ayaa lagu xukumaa” ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamada Booliiska degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgduud ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay howlgallo ka wadeen degmadaasi, iyadoo dad badan xabsiga loo taxaabay.

Goobjoog News