U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Gaalkacyo oo Ka Hadlay Aabe Ilmihiisa Ku Dilay Magaalada

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo saakay ka dhacday xaafadda israac, kadib markii Aabe uu laba caruur ah uu ku dilay ku dilay , ciidanka ayaa sheegay in ay gacanta gu dhigeen Axmed Maxamed Faarax  oo ah Aabaha saakay ilmihiisa gowracay, bulshada ayaa ka naxday arrintaan.

Booliiska ayaa falkaan ku tirlaamay mid naxdin leh, kaas oo  nuuciisa aan in badan lagu arag gudaha gayiga Soomaalida, waxaana la ogayn sababta rasmiga ah ee keentay, inkastoo la isla dhex marayo in uu jiray khilaaf u dhaxeeyay Axmed oo carruurta dhalay iyo xaaskiisa oo horay u kala tageen .

Taliyaha Booliska qaybta ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire, oo la hadlay BBC-da ugana ayaa yiri “Eedeysanaha oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Faarax, oo 43 jir ah, ayaa dilay labo ciyaal ah oo uu dhalay oo midna uu yahay 10 jir midka kalena yahay 11 jir, laguna kala magacaabo Idiris iyo Sakariye,” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha booliska oo sii hadlayo ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen ninka eedeysanaha ah. Waxa uu sidoo kale ka war bixiyay marxaladdii ay ugu tageen goobta “Boolisku markii ay guriga tageen waxay la kulmeen isagii oo qolka carruurta ku dilay qolkii kalena hurda. Waxaa loo tagay isagoo jiifa oo si caadi ah u hurdaya,” ayuu yiri Muumin.

Caruurta ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Idiris iyo Sakariye, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in sababtu tahay tahay Khilaaf u dhaxeeya Axmed Maxamed oo ah Aabaha dhalay ilmaha uu dilay iyo Hooyadoo Ubax Cali oo muddo horaysay ay kala tageen, walow aan si dhab ah loo ogeyn.

Goobjoog News