U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir Oo Ka Warbixiyey Howlgal Ay Ku Qabteen Qoriga Hoobiyaha Iyo Gaari Nooca Dadweynaha Ah

Sheeko:Dalka

Taliska Booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey howlgal ay habeenkii xalay ahaa ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho kaasi oo lagu qabtay Gaari nooca dadweynaha ah iyo sidoo kale qoriga hoobiyaha oo talisku sheegay inuu ahaa kii xalay lagu duqeeyay degmada Xamar Jajab.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre (Gaab) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gaarigan iyo dadkii saarnaa markii ay weerarka hoobiyaha ah soo fuliyeen kadib ay kusoo dhaceen wadada Shaqaalaha, hase ahaatee ay isla kulmeen ciidankii Booliska ee fadhiyey wadada Xaaji Baasto oo ku dhaw Isgoyska Shaqaalaha halkaasina is rasaaseyn ay ka dhacday.

Waxa uu tilmaamay Taliye Cali Gaab in gaariga oo ahaa nooca loo yaqaano Homey ay ka degeen Afar nin oo mid ka mid ah ku hubeysan yahay qoriga loo yaqaano Dabajeexa, islamarkaana Afartaasi Labo ka mid ah uu dhaawac kasoo gaaray rasaastii ay ciidanka Booliiska is weydaarsadeen kuwaa oo goobta ka baxsaday.

Sidoo kale taliyaha ayaa xaqiijiyey in uu jiro waxyeello soo gaartay dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidanka Booliiska.

“Abaarihii Halkii Saac ee fiidnimo gaari Hoobiye saaran yahay ayaa waxa uu galay meel luuq ah, hoobiye ayuu riday, wuu cararay, wadada wuxuu ku cararay Via Uganda, Afisyoone ayuu soo hormaray, wuxuu lasoo leexday wadada Liberia, waxa uu ku yimid Isgoyska shaqaalaha, dhanka KM ayuu u leexday, laakiinse waxay is qabteen ciidankii Booliiska ee ka tirsanaa qeybta guud ee Booliiska, gaar ahaan qeybta Waliyow Cadde oo joogay jiirada lagu magacaabo Xaaji Baasto, markii ay is fahmi waayeen rasaas ayaa la’isku billaabay, gaariga oo hoobiyaha saaran yahay waakan, waxaa gaarigaasi ka degtay sida naloo sheegay Afar Nin oo Nin Dabajeex watto, ninna AK47 wato, Labadii dhaawaca ahaa waxay galeen guri aan hadda gacanta ku hayno, mooto ayaa loogu yeeray, wararkii ugu dambeeyay waxay igu soo gaareen in loo qaaday Isbitaalka Madiino, Dad badan oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay, ciidan ahaan waxaa ku dhaawacmay nin xaafadda degganaa Booliiska wey hayaan, halkaanna waxay xabaddii ugu horreysay ku dhufteen nin xidigle ah oo barta xukumayey” ayuu yiri Cali Gaab

Habeenkii xalay ahaa ayaa dhowr madfac oo hoobiye ah waxaa lagu tuuray degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Hoobiye Homey ok

Goobjoog News