U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir Oo Sheegay in Isbedal Amni Uu Ka JirO Muqdisho

Sheeko:Dalka

Bishaar Axmed Geeddi oo ah taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in isbedal amni ka jiro magaalada Muqdisho isaga oo ka dalbaday madaxda sare ee maamulka gobolka in  lasoo saaro qorshe amni oo ciidan ahaan ay dhaqan gelin doonaan.

Wuxuu sheegay taliyaha iney qaadeen tallaabo walbo oo lagu sugayo amniga dhammaan xaafadaha degmooyinka magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa uu soo hagaagayo amniga guud ee magaalada, islamarkaana ka booliis ahaan ay sii xoojin doonaan shaqadooda.

“Waxaan is leeyahay wuu fududaanayaa culeyskii xagga amniga ee ka jiray magaalada Muqdisho maalinba maalinta ka dambeysay, waxaan kaa codsaneynaa guddoomiye inaad dejiso qorshihii ammaanka lagu sii xoojin lahaa taas oo ay qaban doonaan dhammaan inta amniga u dhaqaaqda maalin walbo” ayuu yiri Taliyaha.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen falal amniga ka dhan ah.

Shalay waxaa maalin cad madaafiic lagu soo tuuray nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, sidoo kalena gudaha suuqa Bakaaraha waxaa ka dhacay qarax Miino oo khasaare geystay.

Goobjoog News