U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir Oo Wada Shaqeyn Ka Dalbaday Shacabka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Taliyaha Booliiska qeybta gobolka Banaadir ee dowladda Federaalka Soomaaliya Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad sugidda ay shacabka ka doonayaan inay garab ku siiyaan soo qabashada kooxo uu ku sheegay inay ka dambeeyaan ammaan daridda caasimadda ka jirta.

Waxa uu sheegay taliyaha in Booliiska ay diyaar u yihiin badbaadinta shacabka iyo hantidooda taasina ay ku imaan karto wada shaqeyn ka timaada dhanka shacabka.

“Annagu waxaan u taagannahay ilaalinta amniga, nafta muwaaidnta, maalka muwaadinka waxaan u baahannahay in shacabka arrinkaasi nala fahmaan oo nagula shaqeeyaan, cidda dhibka mar walbo ku dhacayso waa iyaga annaga wax ka yar 2% ayaa nagu dhacaya laakiinse 98% iyaga ayuu ku dhacayaa, annagu waxaan rabnaa qofka dhibka wado inaan naftiisa ka qabanno dhibta uu ku hayo, kadibna ka qabanno midda uu bulshada ku hayo, midda kale inaan u hiilinno qofka la dulmiyey ayaa naga go’an, waxaan ka rabnaa bulshada gobolka Banaadir inay arrintaasi nala qaataan” ayuu yiri Taliyaha.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayey falal amniga wax u dhimaya, inkastoo ciidamada ammaanka iyaguna ay wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Inta badan waxaa la sheegaa in shacabka ku dhaqan Muqdisho aanay si buuxdo ula shaqeyn ciidanka amniga si looga hortago falalka amni darada ah.

Goobjoog News