U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Gobolka Bari: Annaga Laaluush Ma Qaadanno

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska gobolka Bari ayaa waxbo kama jiraaan ku sheegay warar sheegayey in lacago laaluush ah ay  ka qaataaan dadka lasoo qabto iyaga oo tahriibaya.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadooda ay si wanaagsan ula dhaqmaan maxaabiista lasoo qabto, sidoo kalena aysan lacag kusii deyn dadka tahriibka ah.

Wuxuu sheegay in hadda ay hayaan 200 oo qof oo dhawaan ay ciidamada ammaanka kasoo qabteen magaalada Boosaaso, islamarkaana baaritaan kadib cid walbo wixii sharciga qabo la marsiin doono waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga laaluush ma qaadanno, waa been abuur, haba yaraatee warkaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, wax lacag lagu bixiyo maba yaalaaan, qofka dambiilaha ah lacag maba lagu sii deyn karo, haddii la helo qof lacag lagu sii daayay annaga ayaa mas’uuuliyaddaasi qaadeyna” ayuu yiri Taliyaha.

Maalin kahor howlgal ballaaran oo ciidanka Puntland ka sameeyeen magaalada Boosaaso ayaa waxay kusoo qabteen dad gaaraya 200 oo ruux, kuwaasi oo la sheegay in ay doonayeen inay u tahriibaan dalka Yemen.

Goobjoog News