U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Gobolka Nugaal Oo Digniin u Diray Milkiilayaasha Hoteellada Iyo Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee gobolka Nugaal ayaa digniin u diray Milkiilayaasha hoteellada ku yaalla gobolkaasi iyo sidoo kale darawallada gaadiidka dadweynaha, taasi oo ku aadan in aysan u ixsaan falin rag ay sheegeen iney ka mid yihiin Xarakada Al-shabaab kuwaasi oo laga baqayo inay ku sugan yihiin deegaannada Puntland.

Taliyaha qeybta Booliiska gobalka Nugaal Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo ay qabteen ciidamada Booliiska, kuwaa oo looga shakisan yahay Xarakada Al-shabaab.

Cid walba oo Hoteelkeeda ama gaarigeeda lagu dhex qabto shaqsi Al-shabaab ka tirsan ayuu sheegay in ay caddaaladda waafajin doonaan.

“Waxaan u sheegayaa Millkiilayaasha iyo Hoteelada in dalka cadow badan uu soo galay inta uu dagaalka socday, waxaan idinka filayaa inaad ka taxaddari doontaa, ciddii magangalyo siisa ama cid aanay aqoon marti gelisa, dejisa hoteelkeeda, ku qaadda gaarigeeda tallaabo adag baanu ka qaadeynaa, waxay iska dhigayaan tahriibayaal laakiinse waa nimanka cadowga ah, dad badan baa ku jira saldhigyada Puntland” ayuu yiri taliyaha.

Dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidanka Puntland ayaa ka dhacay deegaanno ka mid ah gobollada Nugaal iyo Mudug halkaasi oo khasaare nafeed uu ka dhashay.

Goobjoog News