U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Koonfur Galbeed Oo Ka Warbixiyey Xaaladda Deegaanka Goofgaduud Oo Shalay Lagu Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Taliska Ciidamada Booliska gaarka ah maamulk Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay xaaladda degaanka Goofgaduud oo saacadihii la soo dhaafay gacan ku heynteeda ay hadba qolo la wareegeysay.

Taliye ku xigeenk  ciidamadaasi Maxamed Isxaaq Caracase oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda iyo maamulka oo iskaashanaya ay dib ugu laabtaan halkaasi.

Wuxuu sheegay in ammaanka degaanka uu yahay mid wanaagsan isagoo beeniyay in laga barakacay degaanka oo dadkii ay uga hayaameen dagaallada 24-kii saac ee la soo dhaafay ku dhexmarayay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab.

Taliyaha ayaa tilmaamay in sababaha keenay kasoo bixista ciidanka ay sameeyeen ee degaankaasi ay ka dambeysay markii kala bedalid lagu sameynayay ciidamada AMISOM.

Xaaladda guud ee deegaanka Goofgaduud saakay waa mid deggan, waxaana howlagallo halkaasi ka wada ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog News