U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Qoryooley: Al-shabaab Waxaan Ka Gubnay Labo Gaari

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska ee maamulka degmada Qoryooley, gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen degmadaasi ay ku gubeen gaadiid ay lahaayeen Al-shabaab.

Cali Maxamed Cali oo ah taliyaha saldhigga Booliiska degmada Qoryooley ayaa u sheegay Goobjoog News in gaadiidka ay gubeen mid kamid ah uu ahaa nooca dagaalka, halka mid kalena ahaa gaari nooca loo yaqaano Homey.

Taliyaha ayaa tilmaamey in  howlgalkaasi uu ka dhacay duleedka degmada Qoryooley, islamarkaana habeen iyo maalin ay wadaan howlgallo amniga lagu sugayo.

Dhanka kale Taliye Cali Maxamed ayaa sheegay in Tuulo la yiraadho Buulo Sheekh oo duleedka Qoryooley ah kusoo qabteen 9 nin oo hubeysan, kuwaasi oo uu tilmaamay in baaritaanno ay ku wadaan.

“Amniga degmada Qoryooley waa mid aad iyo aad u sugan, waxay ciidamada gubeen habeen kahor gaadiid Al-shabaab lahaayeen, qoryana waan kasoo furannay, sidoo kale Buulo Sheekh waxaan kusoo qabannay 9 nin oo burcad hubeysan ahaa, waxayna dhacayeen dadka, hadane baaritaan ayaan ku wadnaa” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale Al-shabaaab weli wax war ah kama aaney soo saarin wararkan sheegaya in gaadiid loogu gubey degmada Qoryooley ee Shabellaha Hoose.

Goobjoog News