U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Soomaaliyeed Oo Sheegay Iney Soo Qaban Doonaan Dadkii Shacabka Ku Laayay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ku aaddan dadkii ka dambeeyey dilkii shalay deegaanka Xaawo Cabdi loogu geystay dad shacab ah.

Jeneraal C/laahi Xasan Bariise, taliyaha hoggaanka waaxda canshuuraha ee ciidanka Booliiska oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in geerida ay gaartay 9 qof, islamarkaana hadda ay wadaan baaritaanno xooggan.

Wuxuu taliyaha sheegay in ay soo qaban doonaan cid walbo oo falkaasi ka dambeysay, islamarkaana aan laga daba hari doonin.

“Baarista si xowli ah ayeey u socotaa, waxaa halkaa loo taagan tahay in baaris looga dabatago dhagar-qabayaashii falkaasi geystay, gacantana lagu soo dhigo, natiijadana shacabka waan la wadaagi doonnaa” ayuu yiri taliyaha.

Rag hubeysan ayaa shalay barqadii waxay deegaanka Xaawo Cabdi ku dileen 9 qof oo ka shaqeynayey nafaad.

Goobjoog News