U bood dhigaalka

Taliska booliska Jowhar oo ka hadlay xaalada ammaanka degmada

Sheeko:Dalka

Taliska qeybta booliska magaalada Jowhar ee xarunta gobolka SHabeellaha dhexe ayaa sheegay in isbedel dhinaca tababarada iyo tayada lagu samayn doono ciidamada booliska ee ka howl gala magaladaasi.

Taliyaha booliska gobolkaasi Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa sheegay in ciidamada booliska degmada intii ay ku sugnaayeen ay qaadeen tallaabooyin la taaban karo oo dhanka ammaanka.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay kornelka in ay u baahnaan lahaayeen in dib u dayactir lagu sameeyo xabsiga dhexe ee magaalada Jowhar oo bur bur uu ka muuqdo muddo sanado badan.

Taliyaha ayaa xusay in ay isku xirayaan ciidamada iyo qeybaha bulshada gobolka sida culumaa;udiinka iyo wa garadka.

Khaliif Cabdulle Carfaaye oo la hadlay wariyaha Goobjoog FM uga soo warama Jowhar ayaa sheegay in uu jiro habac sanaan ka jirta dhanka garsoorka gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ciidamo boolis ah u dirtay magaalada Jowhar.

Hoos ka dhageyso codka Khaliif Cabdulle Carfaaye :