U bood dhigaalka

Taliska Booliska Puntland oo Qaad Gubay Digniinna u Diray Dadka Ku Howlan Keenista Maandooriyaha

Sheeko:Caafimaadka

 

Ciidamada ammanka dowlad goboleedka Puntland oo howlgal ay ka sameeyey gobolka Nugaal ayaa  gacanta ku soo dhigay  xirmooyin Qaad ah  kaas oo si sharci darro ah Lagu  soo galiyey deegaannada Puntland ka dib joojintii lagu sameeyey keenistiisa iyo in dadku ka ganacsadaan  , ciidamada ayaa Qaadka keenay kuna gubay saldhigga magaalada caasimadda ah ee Garowe.

Taliyaha Ciidamada  Booliska dowlad goboleedka Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo uu weheliyo taliyaha qaybta booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir, oo ku sugnaa goobta xirmooyinkaas Qaadka ah lagu  soo bandhigayey ayaa la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay in dagaal adag lagula jiro Qaadka lana soo qabayo.

Taliye Muxiyadiin ayaa sidoo kale waxaa uu digniin u diray dadka ku howlan keentaanka kuna bixinaayo lacagaha waxaana uu xusay in la garanayo ciidamaduna ay ku raad joogaan waxaana marka kale uu ugu digay in ay fara kala baxaan arrintaan ay ku howlan yihiin, isaga oo intaas ka dib amar ku bixiyey in ciidamada amniga dadkaas ay soo qabtaan

“Dagaal adag ayaa lala galayaa meel weliba waa laga joojiyey jirro ayuu wataa waa la joojiyey kuwa tuulooyinka taga kuwa degmooyinka taga iyo kuwa xeebaha taga kuli waa la qabanayaa, dadka Qaadka ka shaqeeya qof qof ayaa loo yaqaan waxaan amrayaa  caawa  meel kasta ay joogaan in la soo qabto haddii uu tuulo ama magaalo geeyo, haddii uu magaaladaan keeno iyo kuwa maago madaxyada geeya waa la yaqaan dhammaan iyaga in lasoo qabto” ayuu yiri.

Sidoo kale Gen. Muxiyadiin  ayaa u mahadceliyay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal oo gacanta ku soo dhigay xirmooyinkaas Qaadka ah waxaana taliyaha dhanka kale uu fariin adag u diiray dadka keena Khamriga kana ganacsada waxaana uu yiri isaga oo arrintaas ka hadlayo.

“Waxaa kale oo dambiilayaal ah oo la soo qabanayaa dhammaan cidda Khamriga ka shaqeysa waan uga digeynaa cid kasta oo Khamriga ka shaqeysa oo la yaqaan waa la soo qabanayaa ma loo raadinaayo mahayaa mise maya waa la yaqaan inuu ka shaqeeyo waxaa uu ka shaqeeyo qof weliba waa la yaqaan waa la soo qabanayaa lagana yeeli maayo”

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa dhanka kale fariin adag waxaa uu u diray ciidamada iyaga oo shaqada ku jirin hubka ku dhex wata magaalada iyo askarta aan labiska aan wadan  ee iyaguna hubka maqaayadaha lafadhiyo waxaana uu amar ku bixiyey in dhammaan la soo xiro dadkaasi.

” Waxaan kale ee uga digayaa halkaan dadka dharka cad iyo Hubka isku wata iyo dadka aan shaqada ku jirin oo tuutaha iyo qoryaha isku wata oo marfishyada fadhiya oo qayilaya Qaadku waa mamnuuc waa la qabanayaa cidii aan ku aragno ciidamada ciddii la dagaalanto waan la dagaalamaynaa ma la ogolaanayo Qaad xaaraan ah inta banaanka aad la fariisatid marfish oo qori aad ku difaacdid cidna kaama yeelayso cad kasta ciidamada istaafyada cid kasta ha ahaatee waan uga digeynaa” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliiska   Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse.

Ugu dambeyn hadalka ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo ciidamada ammaanka Puntland dhopwr jeer sidaan oo kale ay qabteen Qaad oo la gubay ka dib markii amar ka soo baxay madaxweyne Deni lagu joojeyey keenista iyo ka ganacsigiisa deegaannada dowlad gobaleedka Puntland sababo la xariira cabsi laga qabo faafitaan xanuunka Coronavirus.

Goobjoog News