U bood dhigaalka

Taliska Booliska Soomaaliya oo Ka Warbixiyey Qaraxyo Lagu Qabtay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyey Qarax ay sheegeen in maanta ciidamada Booliska caasimadda ka howlgalla ay fashiliyeen sida ay hadalka u dhigeen waxaana xusid mudan in maanta magaalada  Muqdisho  ay ka jireen dibadbaxyo iska soo horjeeday oo ku aadana maqaamka  caasimadda  Muqdisho.

Afhayeenka  ciidamada Booliska Soomaaliya Dhamme Sidiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxuu  sheegay in ciidamada booliska Soomaaliya ay maanta qabteen nin doonayay inuu isku  dhex qarxiyo dadweynihii maanata Muqdisho ka dhigayey banaanbaxa nabadeed ee lagu taageerayey maqaamka Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in shaqsiga qaraxa lagu qabtay uu ahaa qof rag ah oo xirnaa Jaakadda qaraxda, balse ay ka war heleen ciidamada ammaanka sidaasna lagu fashiliyey qaraxaas, oo hadda ay gacanta ku hayaan, waxaana uu  xusay lagu guuleystay in la qabto nin gaari doonayey inuu qarax ku xiro agagaaraha Excontrol Afgooye .

                                                           Halkaan ka Daawo Afhayeenka.

Goobjoog News