U bood dhigaalka

Taliska Canshuura oo Amar Duldhigay Ganacsatada Biraha Dhoofisa

Sheeko:Amniga

Taliyaha ilaalinta hoggaanka canshuuraha Cabdullaahi Xasan Bariise oo shir-jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeyo aan dalka laga dhoofin karin bilaraha daxalaystay iyo gawaarida burburtay, waxaana uu sheegay in dalka ay waxtar u leeyihiin xili uu kormeer ku tagay goobo Dekada ah oo lagu kaydiyay.

” Waxaa cabasho ka timid qolyaha dhoofiya biraha ee aan kala soocin, kuwooda dhaqan baxa ah iyo biraha wadanka anfacaayo, waxaa nala joogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka intii aan soo indho indheenaynay meelaha biraha laga dhoofiyo, waqtigaan aan hadlaayo ciddii lagu qabto ama gacanteeda lagu qabto iyadoo qodi ama dhoofinaysa ama damac uga jiro in tallaabo sharci ah laga qaadayo” ayuu yiri taliye ilaalada Canshuuraha.

Waxaa shacabka uu ugu baaqay in laga wada shaqeeyo danta guud, sdidoo kale uu fariin u diray dad la sheegay in ay ku howlan yihiin qodista fiilooyinka isgaarsiinta iyo korantada, oo dib loo abuuray burburkii dalka kadib.

” Waxaa kale oo hadda dhib ka jirtaa shirkadaha Isgaarsiinta oo dhan nuuc waliba ha ahaadaane, iyo shirkadaha korantada, waxaa ay muddo ku howlanaayeen burburkii kadib,  in ay soo celiyaan adeegii bulshada, waxaa soo ifbaxay dad wamagarad ah, oo dhulkii la qodaya faagaysa oo maanta kala baxaysa” ayuu yiri taliye Bariise.

Hadalka taliyaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dekadda Muqdisho laga dhoofiyo biraha duugoobay ee macmalkaa iyo gawaarida guugowday, waxaa sidoo meelo badan oo dalka ah ka jira baadigoobta dadku ay ku sameeyaan Maarta, waxaana hadalka taliyaha daba socday goodin uu u jeedinayay dadka ku howlan shaqadaan.

Goobjoog News